Jawhar Maxamed Oo Markale La Hor-keenay Maxkamada Iyo Dacwadaha Lagu Soo Oogay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jawhar Maxamed Oo Markale La Hor-keenay Maxkamada Iyo Dacwadaha Lagu Soo Oogay!
July 29, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Hogaamiyaha Kacdoonka,iyo Isbadeldoonka Oomiyada Oramiya ee itoobiya Jawhar Maxamed Ayaa maanta markale la horkeenay maxkamada itoobiya isagoo Xeer-ilaalinta, Booliska Federaalku Ay Kusoo oogeen, Dacwad Kale oo lagu Sheegay, in Gurigiiaa Laga helay, Qalab dhinaca Sataliteka ah Waxaanay Dacwadan ku Oogeen Kadib Markii Maanta la hor Keenay Maxkamada.

Waxa kale, oo ay Boolisku fadaraalka itoobiya Eedahaasi  Raaciyeen, in Maxakmadu Dib ugu Dhigto Dacwada Mudo laba Toddobaad ah si baadhitaanka ay Wakhti ugu Helaan.

Qawmiyada Oromo oo Sanadihii u Dambeeyay Kacdoon adag ka Muujiyay Gudaha Dalka itoobiya, ayaa Mudo ka Xasiley, Kadib Markii Abiy Ahmed oo Qoomiyadooda kasoo jeeda, Kursiga ku Fadhiistey, inkastoo ay horaantii soo Dhaweyeen, haddana mar kale ayay Dhexdooda ka Qaraxdey iyadoo inta ugu Badan ee Qawmiyadaasi hadda la qadiyad yihiin Tigreegii ay Xukunka ka Rideen, halka Qawmiyada kale iyo Raysalwasaaraha, iyo Wadanka Elatariyana isku Xulafo yihiin Wakhtigan

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS