Gudoomiye Kuxigeenkii Hore Ee Degmada Wajaale Oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland Munaasibada Ciida Awgeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Kuxigeenkii Hore Ee Degmada Wajaale Oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland Munaasibada Ciida Awgeed.
July 30, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Tog Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa Dhambaal hambalyo Ah Udiray Guud ahaa  umada islaamka Gaar Ahaan Shacabka Somaliland Munaasibada Ciidul Odxa Awgeed.

Sidoo kale Ex Gudoomiye Mursal ayaa sigaar ah Uhambaleyeeyay madaxda Somaliland, ciidamada qalabka sida iyo xaasaskooda wuxuna Yidhi “Aniga ku hadlaya magacayga iyo ka guud ahaan gobolka gabiley Waxaan Halkan Dhambaal Hambalyo Ah UDirayaa Munaasibada ciida Awgeed shucuubta islaamka, Shacabka Somaliland Oo Aan Leeyahay Ku ciida caafimaad qab,

Isagoo hadalkiisa siiwatana Ex Gudoomiye Mursal Wuxu yidhi “Waxaan si gaara hambalyo ugu dirayaan Madaxwaynaha Somaliland,Madaxwayne Kuxigeenka, Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida Oo Aan leeyahay ciidan ciideeda Ilaahay bash bash iyo barwaaqo haynagu gaadhsiiyo kuna ciida caafimaad qab.

Dhanka kale Ex Gudoomiye Kuxigeenkii Hore ee Degmada Tog wajaale ayaa hambalyo taalamid ah udiray shacabka gobolka gabiley gaar bulshada ku dhaqan degmada tog Wajaale.

“Waxaan sidoo kale hambalyo udirayaan guud ahaan shacabka gobolka gabiley gaar bulshada ku dhaqan degmo ganacsiyeedka tog wajaale waxaan leeyahay ilaahay ciidan ciideeda haynagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo barwaaqo guul iyo gobonimo

Gudoomiyihii hore ee degmada  Tog Wajaale mursal Nuux Cismaan.

TOG WAJAALE OFFICE

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS