Dawlada Maraykanka Oo Mamnuucday Isticmaalka Tik-tok Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Mamnuucday Isticmaalka Tik-tok Iyo Sobobta!
August 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dowlada Mareykanka ayaa qorsheeneysa in dalkeeda gabi ahaanba ka  mamnuucdo isticmaalka App-ka shabakada Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisa ka mamnuucayo shabakada TikTok, waxa uuna Warbaahinta u sheegay dhawaana saxeexayo amar hawada looga saarayo Shabakada TikTok gudaha Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in ay ka cabsi qabto in shabakada TikTok oo leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka iyo xogaha gaarka ah ee dadka kunool Mareykanka.

 

COMMENTS
LINKS