Wiil Yar Oo Toban Bilood Jir Ah Oo Xanuun Haleelay Loo Dhigay Cisbitaalka Hargaysa Iyo Qoyska Dhalay Oo Umadda Muslimka Ah Ka Codsaday Caawimo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiil Yar Oo Toban Bilood Jir Ah Oo Xanuun Haleelay Loo Dhigay Cisbitaalka Hargaysa Iyo Qoyska Dhalay Oo Umadda Muslimka Ah Ka Codsaday Caawimo.
August 1, 2020 - Written by Editor:

Cusbitaalka Hargaysa;Ilmo yar oo Toban Bilood Jiray kuna dhacay Xanuunka Manajaajiska,Oo mudo laba todobaad ah xaaladiisa Caafimaad Oo Sii Daraysa Loo dhigay waadhka Caruurta Ee Cisbatalka Hargeysa Iyo Qoyska Dhalay Oo umadda muslimka ka dalbanaya In la Caawiyo.

Sawirka Halkan  Idiin muuqdaa waa Wiil yar oo jiray10 bilood wuxuu mudo LabaTodobaad ah, yaala waadhka Caruurta ee HARGEYSA CISBITAAL GROUP.

Sida ay ii xaqiijiyeen qaarka mid ah, dhakhaatiirta ka hawl gala Cisbataalka Hargeysa, Ilmahan yar markii uu dhashay waxa ku dhacay Xanuunka Qoor-gooyaha loona dhigay cisbitaalka guud ee hargaysa iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa uu kasii darayso xaaladiisa Caafimaad  hada aad u liidata.

Qoyska dhalay ilmahan yare ee  xanuunsanya ayaa ah ah qoys oo aan haysanin dhaqaale ay kula tacaalaan Caafimaadkiisa islamarkaana  awoodi kari waayay kharashka lagu iibinayo Daawooyinka ee Cisbitaalka Hargeysa dhexdiisa, waxana maalmhihii ugu danbeysay ka bixiyey daawooyiyn iyo irbadaha lagu mudayo ilamaha yar qaarka mid ah shaqaalaha iyo dadka ku jira waadhka aamaba degan  sariiraha ka ag dhow ee jaarka yihiin.

Xaalada uu ku sugan yahay ilamahan yaree 10bilood jiray iyo xaalada dhaqaale ee qoyska danyarta ah ee wiilkan yar dhalay ayaa ah mid ubaahan in dadka muslimiinta ah ay ufidiyaa gurmad iyo caawimo.

Waxaan laga codsanayaa cidkasta oo reer somalilad amaba dadka muslimiinta in ay gurmad ufidiyaan qoyska iyo ilamahan yare e xaaladiisa caafimaad liidato oo Ubaahan gargaar deg deg ah qoyskiisuna ay awoodi kari waayeen xataa in ay iibsan karayaan Dawooyinka Cisbitaalka dawlada.

“Qofka aan dadka u naxariisan Ilaahay uma naxariisto”

Cida Caawinaysaa ha kala xidhiidh Tell; 0634035993

 

COMMENTS
LINKS