Shirkada Sompower Maxaa Daarey, Halkeyse Kala Soo Baxdey Awooda Muquuninta Shirkadaha Leydhka Ee Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Sompower Maxaa Daarey, Halkeyse Kala Soo Baxdey Awooda Muquuninta Shirkadaha Leydhka Ee Somaliland?
August 2, 2020 - Written by Editor:

Waxaa kasoo Wareegay Muddo Toddobaad ah Kadib Markii, Qaar Kamid ah Saraakiisha iyo Hawlawadeenada Shirkada Korontada Somepower ay Weerar ku Qaadeen, Goob ay Xadhkaha Leydhka Marinayeen Qaar Kamid ah Shirkada Korontada TEC oo ah Gudaha Caasimada Hargeysa, gaar ahaana agagaarka Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, halkaas oo ay Dhaawacyo ugu Geysteen Shaqaalihii Islamarkaana, Dhaawacyo, iyo Burburin u Geysteen Xadhkihii Leydhka, iyo Dhamaanba Qalabkii Kale.

Waxey aheyd Talaabo, aan laga Filayn Shirkada Korontada ee Magaca Weyn Leh, SOMEPOWER Waxaana Arinta Soo galey Ciidamada Amaanka oo iyagu Waajibaadkooda ka Gutey, haddana Waxaa la Filayay in Shirkadu Talaabada Qaloocan ka Bixiso Raaligalin, iyo Magdhaw labadaba, Sidoo kalena ka Xumaato Arinta Maamulkeeda iyo Shaqaalaheedu geysteen Fool xumadeeda.

Waxey aheyd mid La Dhawrayay, oo Sharafta iyo Milguhu ku Qasbaan Mar Walba Dadka Degalka oo ay Shirkadaha iyo Ganacsiguna Falalka Noocaas ah Ka Caagan Yihiin, Waxaa Xigay Talaabada Qaldan ee Amarka iyo Qoraalka Kasoo Baxey Xafiiska Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, Waraaqdaas, oo lasoo Saarey Saacado Dambe islamarkaana, u Muuqatey Mid La Diyaariyay Sanad ka Hor Marka loo eego, Qaabka Loo Qorey iyo Sida qoraalka Loo Waafajiyay, in Wasaarada Tamarta iyo Macdantu Kalsoonidii Kala Noqotey Shirkada Kotontada TEC haba Kala Noqotee, Maxaa Soo kordhey ee Daarey Wasaarada iyo Shirkada Somepower?.

Marka Xaqiiqda Loo Dhabo Raaco, Qoraalka Wasiirka Kasoo baxey, Wuxuu ahaa Mid Ka Garnaqayay, oo Ka Garsoorey Talaabadii Lala Wada yaabanaa ee Shaqaalaha iyo Maamulka Shirkarda Somepower ku Weerareen Xadhkihii iyo Shaqaalihii Shirkada TEC taas oo Noqonaysa mid Xaalada Geyneysa Meel Kasii foolxun halki ay Joogtey Markii hore, Raaligalinta laga sugayay Waxeyse Su,aali mar Walba ka TaaganTahey, Inteebay Sii Socon Kartaa Rabshadaha iyo Fulinta Awoodaha ee ay Isku Bahaysteen Wasaarada Tamarta iyo Macdanta, iyo Shirkada Korontada Somepower, iyadoo ay Dadweynaha iyo Bulshaduna Qabaan Su,aalo Kasii Badan Kuwa aynu Xusney Kuwaas oo Sitoos ah u Taabanaya Nolosha Bulshada.

QALINKII; CABDIXAKIIM AXMED CAWAALE.

COMMENTS
LINKS