Hirdankii Hogaanka Xisbiga Kulmiye Ee Maanta, Dudmadii Siyaasiyiinta Harti Ee Madasha Joogay + Is Af Dhaafkii Xoghaye Xasan Siciid Iyo Gud Axmed Cabdi Dheere! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hirdankii Hogaanka Xisbiga Kulmiye Ee Maanta, Dudmadii Siyaasiyiinta Harti Ee Madasha Joogay + Is Af Dhaafkii Xoghaye Xasan Siciid Iyo Gud Axmed Cabdi Dheere!
August 2, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Waxaa Maanta munaasibad Casuumid ah Oo Qaban Qaabadeedu mudo Qaadatay Magaalada Hargeysa Ku Qabsadey Xisbiga Kulmiye Oo taasi oo uu qado sharaf usameeuau qaarkamid ah dhalinyarada xisbiga iyo  haldoorkii guusha xisbiga qaybta ka ahaa sida ay sheegeen.

Hadaba Munaasibadan Qado Sharaf  ee Loo Sameeyey Dhalinyaradii Dhalisay Guushii Xisbiga Kulmiye Ee Doorashadii 2017 Dalka Ka dhacday gaar ahaan Hargeysa, Hase Yeeshee Waxaa Munaasibada Ahayd Mid Badiba Dadka Kasoo Qayb Galay Iska Waraysanayeen Xaaladda Dalka Ay U Horseedeen.

Waxaana Kasoo Qayb Galay Xubno Ka Socday Xukuumadda Somaliland oo Uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici Iyo Saraakiisha Sarsare Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ay Kamid Ahaayeen Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbigaasi Axmed Cabdi dheeraad Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbigaasi Mudane Xuseen Aadan Cadde iyo xoghayaha guud ee xisbiga Xasan siciid.

Inta Badan Xubnaha Xukuumadda Ka Socday Iyo Saraakiishii Matalaysay Xisbiga Kulmiye Ayaa Hadalka Qaatay Waxaana Mid Kastaaba Madasha Kasoo Jeediyay Aragtida Uu Ka Qabo Kala Qayb Sanaanta Xisbiga Iyo in Dib Laysugu Gacan Haadiyo Kaadiriintii Xisbiga Darawalin Jiray.

Hase Yeeshee Waxaa Madashu Ilduuftay Mansabkii Iyo Meeqaamkuu Xisbiga Kulahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo In Lasiiyo Hadalka Iska Daaye Laga Qadiyay In Goobta Lagu Xuso Magaciisa Waxaana Taasi Sababtay Inay Albaabka Boobaan Dhamaan Siyaasiyiintii Kasoo Jeeday Beeshiisa Ee Madasha Fadhiyay Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali Koore Xildhibaan Indho Indho Iyo Miisaankii Beeshaasi Ee Munaasibada Fadhiyay,wallow markii danbe xubno kamid ah beesha harti ee madasha ka dareertay waan waan kadib lagu soo celiyay hoolka ay ka socotay casuumadu.

Xoghaya Guud Ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Ayaa Bilaabay inuu Arinta Ka Odayeeyo Waxaase Ku Gacan saydhay Xidhiidhiyihii Madasha Oo Ahaa Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Isagoona U Sheegay Inuu La Xaajoodo Axmed Cabdi Dheere Oo Madasha Maamulaya.

Hase Yeeshee Xoghayuhu Wuxuu Hungo Iyo Faro-madhnaan Kala Kulmay Gudoomiye ku Xigeenka Saddexaad Sida Aad Ka Aragyo Muuqaalka Hoose;

Xisbiga Kulmiye Oo Awalba Xaalkiisu Ahaa Xagaad Ka Dhacday Ayaa umuuqda mid Markale Xas-galay.

Dhanka kale dhalinyarada lagu casuumay madasha qadada ah ayaa ubadnaa xubno xilal ka haya laamaha dawlada iyo shaqaalaha wasaaradaha qaar taasi oo muujinaysa in goobta ay ka maqnaayeen dhalinyaradii guusha hormuud ka ahayd ee aan systemka dawlada ku jirin kuwaasi oo kamid dadkii xisbiga la soo shaqeeyay ee aan wax maamuusa ka helin wakhti xaadirkana saluugooda ay dareensan yihiin hogaanka xisbiga iyo xukuumaduba,balse xataa aan la xasuusan maanta.

Qalinkii; UDhaq Dhaqaaqaha Arimaha Bulshada Nimcaan Muuse.

COMMENTS
LINKS