Shan Kun Iyo 8 Boqol Oo Qoys 0o Kamid Ah Barakacayaal Magaalada Hargaysa Oo Deeq Hilib Ah La Gaadhsiiyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan Kun Iyo 8 Boqol Oo Qoys 0o Kamid Ah Barakacayaal Magaalada Hargaysa Oo Deeq Hilib Ah La Gaadhsiiyey.
August 3, 2020 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N)-Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaayasha Qaranka Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Islamic Relief, ayaa deeq hilib ah gaadhsiiyay kaamamka barakacayaasha ee Caasimadda Hargeysa, si ay uga faa’idaystaan maalmaha lagu gudo jiro ciidal adxada.

Madaxa Hay’adda Islamic Relief ee Somaliland Maxamed Maxamuud Cawil ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay, isagoo ka warbixiyay deeqdani,  wuxuuna sheegay inay maanta wax-siinayaan (Shan Kun Sideed Boqol iyo Lix Iyo Konton Qoys) oo ka kala tirsan kaamamka Ina Mooge, Magaalo Jimcaale, Ayax kow, Ayax laba, Ayax saddex, Ayax afar  iyo naafada.

Geesta kale, waxa isna goobtaasi ka hadlay agaasimaha waaxda barakacayaasha, ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland oo hay’adda Islamic Relief uga mahad-naqay deeqdan hilibka ah ee ay soo gaadhsiisay kaamamka barakacayaasha ku sugan yihiin ee Caasimadda Hargeysa, isagoo sidoo kale sheegay in deeqdan la gaadhsiiyay dhammaan kaamamka barakacayaasha ee Caasimadda Hargeysa saddexdii cisho ee ciidda.

Dadkan barakacayaasha ah ee hilibkan loo qaybiyay, waxa ka mid ahaa kun qoys oo naafo ah oo hay’addani u qaybisay, waxaan deeqdaasi ka mahad-celiyay guddoomiyaha ururka naafada Somaliland.

COMMENTS
LINKS