“Maxamuud Xaashi Hadii Uu Doonan Yahay Haa, Hadii Kale Ha Sugo Xilka Uu Doonayo Muuse Dabadii. Ama Sidii Faarax Nuur Ha Yidhaahdo…”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxamuud Xaashi Hadii Uu Doonan Yahay Haa, Hadii Kale Ha Sugo Xilka Uu Doonayo Muuse Dabadii. Ama Sidii Faarax Nuur Ha Yidhaahdo…”Cali Guray
August 3, 2020 - Written by Editor:

“Rag Kaa Faqay Rafiiq Nimaad Tihiin Talo lagaa Reebay

Meel Aan Lagaa Rabin Indhaha Lalama Sii Raaco”Cali Guray

Saaxiibkay Maxamuud Xaashi laga bilaabo saacaddii uu cadeeyay damaciisa Xilka Gudoomiyaha Kulmiye ayaa dibadda la dhigay sida ay ila tahay. Ergada Shirwaynaha uu doonayo in uu ka dhex tartamo 80% waxa laga yaabaa in uu iska leeyahay oo rabitaankiisa lagu soo xulayo Madaxwaynaha oo isagu ah mulkiilaha xisbiga xiligan ama inta xilka Madaxwaynaha uu hayo. Sidaa daraadeed inta uu doono ayaa doonan inta uu diidaana way diidan yihiin. Markaa Maxamuud miyuu doonan yahay mise wuu diidan yahay? Hadii uu doonan yahay haa hadii kale ha sugo xilka uu doonayo Muuse dabadii. Ama sidii Faarax Nuur ha yidhaahdo:’

RAG KAA FAQAY RAFIIQ NIMAAD TIHIIN TALO LAGAA REEBAY

MEEL AAN LAGAA RABIN INDHAHA LALAMA SII RAACO

Waxan filayaa in badan ama inta ugu badan kaadariintii lafdhabarka u ahayd Xisbiga Kulmiye in xaalkoodu halkaa ku dambayn doono oo habqanka halka ay is daba galaan mar haqable toorayn doono.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS