Qisadda Iyo Xikmadda Ku Jirta Heesta “Qof Weyn Ani Iima Tihid!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qisadda Iyo Xikmadda Ku Jirta Heesta “Qof Weyn Ani Iima Tihid!!
August 3, 2020 - Written by Editor:

Heestan Qof weyn ani iima tihid oo uu hal-abuuray, Maskaxddiisana waxay ka soo maaxday Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo aan ugu garan-ogahay magaca ah Qamuuska Xikmadda iyo Hal-abuurnimadda waxay ka hadlaysaa oo tilmaamaysaa in jacaylku markuu gu’yooyin badan soo jiro aanu gaboobin, hase-yeeshee uu Qofka Qalbigiisa ku dhex-gaboobo. Isla-markaana uu ku dhex-milmo Ruuxda iyo Quluubtiisa.

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo sharaxaya qisadda ku jirta Heestani, ayaa hooga-tusaallaynaya Hanaankii berigii hore Gabadha Soomaaliyeedd loo calman jiray, “Berigii hore Ninku wuxuu noqon-jiray guurddoon, Gabadhu iyaddoo afaafka Guriga hortiisa ku haysata Kafadda iyo Maqasha ayuu Ninku arki jiray, dabadeedna waa loo dooni-jiray. Geell iyo Gamaan Faras-buu ka bixin jiray, laga soo gudub oo dadku Magaalada soo gal oo la is Caashaqe, oo Ubaxyo la isku-dhiib, Kalgacaylku-na faro-baday.”

Abwaanku waxa kale oo uu sawir ka bixinayaa Lamaaneyaashu markay da’ noqdaan in aanu dhamaan kalgacalkii soo jireenka ahaa ee ay hantiyeen, “Qisaddan Heestu ka hadlayso waxa la yidhaahdaa QOF WEYN ANI IMA TIHID, waxaad sawirataa adigoo Curub 16 jir ah oo qurux leh, oo xoog leh oo Caafimaadd qaba oo jeclaaday Qofkii Noloshu idin mataanaysay, waxay sidii ahaataba Ubad isku dhashaan, waa-weynaataan, Gabowdaan. Waxa imanaysa maalin haddii Cimri ku daayo Gabow-baan ku daynayn.”

Abwaan Laabsaalax, ayaa sidoo kale Murtiddiisan si gobonimo leh ugu sooray in jacaylku ku tamariyo xiisaha iyo hilawaga ka dhexeeya Lamaanayaasha muddo dheer dhib iyo dheef-ba soo wadda-qaybsaday, “Waxa laga yaaba adigoo gaboobay inaanu jacaylku kula gaboobine ee uu kugu dhex-gaboobo markaad cuskataba, waxaad aragteen dad badan oo in ka badan 70 Sanno is-qabay oo kalgacayl dhex-yaallo, balse tamar gabay, wax badan isma weydiiyaan. Laakiin dadkay iska xigaan, wey isku damqadaan, waanay is daawadaan.”

Heestan QOF WEYN ANI IIMA TIHID, ayaa u dhigan sidan:-

Maxaan soo wada jirnoo

Nolosha wehel soo ahayn

Maxaan laba Wacad galoo

Quluubta Jacayl ku wayn

Xurmada ku Waraabiyoo

Muxubo ugu soo Wanqalay

ahayn Wadar dhaba ahayn

Maxaan Caashaqa warkiisa

la soo marnay waayo badan

Ma jiro Wadka Ruux hortii

Waayeel ka Noqdaa Xubiga

Wakhtiyo Qurux daad lahayd

Hadduu Cimri Wiiqayoo

Dheehii Wajigaagu tagay

Qof wayn ani iima tihid

Waydiin Iyo Ma leh Su’aal

Inaad Tahay Waayo Arag

Xiskaygani Waab ku Lee

Taniyo Waagaan kuu Rabay

Maxaan Kugu Weehdayoo

Waraaqo Jacayl ah Qoray

Maxaan Wadnayaal Sawiray

Maxaan Weedhaha Kalgacal

Far Waa-wayn kuugu Dhigay

Ma jiro Wadka Ruux hortii

Waayeel ka noqdaa Xubiga

Wakhtiyo Qurux daad lahayd

Hadduu Cimri Wiiqayoo

Dheehii Wajigaagu tagay

Qof wayn ani iima tihid?

W/ Q; Khaalid Xabsi

COMMENTS
LINKS