DAAWO;-Tubaako Ay Xukuumada Jsl Dalka Mamnuucday Oo Lagu Dhex Daadiyay Gudaha Magaalada Hargaysa Iyo Halista Caafimaad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Tubaako Ay Xukuumada Jsl Dalka Mamnuucday Oo Lagu Dhex Daadiyay Gudaha Magaalada Hargaysa Iyo Halista Caafimaad!
August 3, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland Ayaa Dhawaan dalka ka Mamnuucday Tubaakada LYFT Oo  halis ku ah dhalinyarada reer somaliland iyo cidkasta oo isticmaasha.

Wasiirka Wasaarada ganacsiga jsl oo shaaciyay in gabi ahaanba la mamnuucay tubaakada isagoo shirkadii dalka keentay ku amray lagubo taasi oo ay  siwada jir ah ugubayaan shirkada keentay iyo wasaarada ganacsiga oo ay weheliyaan haayadaha kale ee ay khusayso.

Habada shirkada dalka keentay Tubaakadan oo lagu magacaabo BAT Wakiilkeeda Somaliland Ee Redsea islamarkaana lagu wargaliyay joojinteeda ayaa bilowday in ay si badheedh ah ugu Dhex daadiso xaafado  kamid ah gudaha magaalada hargaysa taasi oo bulshada khatar ku ah islamarkaana ka hor imanaysa go,aankii xukuumadu ku mamnuucday iyadoo shirkadan dalka amray in ay gubto balse taa badalkeedii ay ku dhex daadisay xaafadaha magaalada taasi oo ay dhlinyarada iyo cidkastoo ubaahata isticmaakeeda ay ka helayaa banaanka xaafadahooga horteeda.

Tubaakadan halis ku ah caafimaadka bulshada ayaa lagu daadiyay galbeedka magaalada hargaysa gaar ahaan agagaar huteel Royal mount oo bulshada saaka uu ku waabariisatay iyadoo karaatoon ah oo daadsan meel sees ah dhexdhooda.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA TUBAAKADAN;

COMMENTS
LINKS