DAAWO;-Gudoomiyaha Gobolka Badhan Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Deegaanka Dooxa Dheer. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Gudoomiyaha Gobolka Badhan Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Deegaanka Dooxa Dheer.
August 3, 2020 - Written by Editor:

BADHAN(W,N)-Guddoomiyaha gobolka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Dooxa-dheer oo ka tirsan gobolkaas.

Sida uu ku soo waramayo wariye Maxamed Axmed oo warbaahinta dawladda Somaliland uga soo warama gobolka Badhan, waxana guddoomiyaha deegaankaas ku soo dhaweeyey bulshada ku dhaqan deegaankaas, kormeerka guddomiyaha ayaa daaranaa inuu u kuurgalo xaalada guud ee deegaankaas ka jirta, wuxuuna warbixino ka dhageystay masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka deegaankaas oo uga warbixiyey xaalada uu deegaankaasi wakhtigan ku sugan yahay, iyaga oo u soo bandhigay baahiyaha dhanka adeegyada bulshada ee ka jira deegaankaas, sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyaada kale ee Aasaasiga ah.

Dhankiisana waxa halkaas kahadlay guddoomiyaha gobolka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar, oo u mahad celiyey guddoomiyaha deegaanka Dooxa-dheer iyo bulshadii halkaas ku soo dhaweysay, isaga oo ballan qaaday in ay ka jawaabi doonaan baahiyaha ay u sheegeen masuuliyiinta deegaankaasi, wuxuuna intaas raaciyey inuu hambalyo uga sido madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS