DAAWO;-Munaasibada Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021 Ee Dugsiga Amaano Boarding Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Munaasibada Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021 Ee Dugsiga Amaano Boarding Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa.
August 3, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Munaasibada furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021 Ee  Amaano Boarding And Day school Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta dugsiga Ee Magaalada Hargaysa.

Waxaana Munaasibad furitaanka dugsiga Amaano Boarding And Day School kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Wasaarada waxbarashada,Waalidiinta Ardayday Waxka Barata Dugsiga iyo Maamulka Dugsiga Amaano Boarding and Day School.

Ugu Horay waxaa ka hadlay Maamulka Dugsiga amaano oo Waalidiinta ugu bushaareeyay adeegyo waxbarasho ee ay usoo kordhiyeen Sanad Dugsiyeedkan Ardayda isagoo xusay in lagu soo kordhiyay barashada Quraanka kariimka ah,

Sidoo kale maamulka sare ee Dugsiga Cabdilaahi Xasan oo munaasibadani ka hadlay ayaa sheegay in ay kordhiyeen Nadaafada schoolka maadaama lagu jiro wali sidii loola tacaalilahaa ka hortaga xanuunka dunida saameeyey ee covid19 iyo sidoo kale mushaharka ay macalimiinta siinayaa oo uu sheegay in uu yahay ka ugu fiican ee lasiiyo macalimiinta.

Dhanka kale maamule Cabdilaahi ayaa sheegay in ay ardayda siin doonaan qalabka ka hortaga sida af xidhka isagoo sheegay in ay qaab online ah ardayda ku siin doonaan casharka oo lacag La,aan ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS