“Xisbi Qaran Ayaad Tihiin, Xisbigii Talada Dalka Hayey Ayaad Tihiin, Sharafta Iyo Bilicda Xarunta Xisbiga Ixtiraama” Barkhad J, Batuun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xisbi Qaran Ayaad Tihiin, Xisbigii Talada Dalka Hayey Ayaad Tihiin, Sharafta Iyo Bilicda Xarunta Xisbiga Ixtiraama” Barkhad J, Batuun.
August 3, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka xisbiga mucaaridka ee wadani Barkhad jaamac Batuun ayaa dhaliilo xoogan ujeediyay xisbi xaakimka kulmiye oo uu wax laga xumaado iyo ayaan daro ku tilmaamay muuqaalka iyo dayaca ka muuqda xaruntii xisbi xaakimka kulmiye oo mudo 10sano ah hayay talada dalka isticmaalayayna xoolihii umada.

Afhayeen barkhad ayaa masuuliyinta kulmiye ugu baaqay in ay iska hagaajiyaan xarunta xisbiga haba danbayso xukuumaduye.

Afhayeenk barkhad ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ku baahiyay qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo wuxuna udhignaa Sidan;

“Idinka Oo Umadda U Sheegay In Aad 10 sanno Tallada Dalka Haysaan, Xisbigiina oo Xilki Xukumadda iyo Xoolihi umadda haya, maanta Waa Idiin Ayaan Darro Weyn In Xarunta Xisbigiinu Ee Aad Ka dhex Hadlayseen Siligi Jiinkadu Idinku Darooriyo!

18 Sanno kadib Muuqaalka Xaruntiinu Markay Noocan Tahay Sidee ayey u Eekaan doonta Raadka Xukumaddiinu 2ba Sanno Kadib Markay muddo xileedkeedu dhammaado?

Xisbi Qaran ayaad tihiin, Xisbigi tallada dalka Hayey Ayaad Tihiin, Sharafta iyo bilicda Xarumaha xisbiyadda ixtiraama 1991 Lama Jooge 2020 Ayeynu Joognaaye Xukumaddu ha dambeyse Xarunta Xisbiga Iska Hagaajiya.

 

COMMENTS
LINKS