“Arinta Xadhigga Cabdimanaan Waxay Ku Socotaa Meel Xun, Hadii Aan Cadaaladda La Sugin,Ma Laga Yaabaa In Ay Ku Dambayso Fadeexaddii “ASTAANGATE? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Arinta Xadhigga Cabdimanaan Waxay Ku Socotaa Meel Xun, Hadii Aan Cadaaladda La Sugin,Ma Laga Yaabaa In Ay Ku Dambayso Fadeexaddii “ASTAANGATE?
August 3, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali guray) oo kamid siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla xaalada dalka ayaa mar kale ka hadlay xadhiga xukuumadu kula kacday mulkiilihii Astaan Cable Cabdimanaan Yuusuf cali oo mudo ku xidhan xarunta danbi baadhista Somaliland Ee C,I,D taasi oo aan wali xukuumadu cadaynin danbi loo hayso balse uu rumaan ugu jiro.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa ka digay in lagu xadgudbo xuquuqdiisa oo hadii ay xukumadu kusoo oogi waydo danbiga uu ka galay dalka ay Somaliland ku noqon doonto fadeexadii Astaangate

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu kaga hadlay xadhiga mulkiilaha Astaan cable u baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Arinta Xadhigga Cabdimanaan Waxay Ku Socotaa Meel Xun Hadii Aan Caddaaladda La Sugin. Ma Laga Yaabaa In Ay Ku Dambayso: Fadeexadda Astaan (ASTAANGATE ). Hadii dembi cad loo hayo mar hore ayaa maxkamad lagu hor geyn lahaa. Todoba cisho oo RUMAAN ah , hadana mar kale oo rumaan ah, iyo mar kale oo rumaan ah, oo xataa aan damiin lahayn waxa lagu yaqaan cid aan dembi loo hayn ee muraad kale laga leeyahay.

COMMENTS
LINKS