Dawlada Shiinaha Oo Wefti Culus Ku Soo Xoojiyey Safiirkooda Muqdisho Ee Muddada Ku Sugnaa Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Shiinaha Oo Wefti Culus Ku Soo Xoojiyey Safiirkooda Muqdisho Ee Muddada Ku Sugnaa Somaliland!
August 5, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wefti Culus Oo Ka Socda Jamhuuriyadda Dadka Ee Shiinaha ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan oo ka kooban 3 Xubnood oo sar-sare oo ka mid ah Waaxda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa waxa Garoonka diyaaraha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland.

Weftigan ka socda Dalka Shiinaha ayaa ku biiraya isla-markaana xoojinaya 4 Xubnood oo hore u sii joogay Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu ka mid yahay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho Amb.Qin Jian, kuwaasi oo Afartii Maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Caasimadda Hargeysa.

Xilligan, Tirada Weftiga Dawladda Shiinaha kaga sugan Magaalada Hargeysa ayaa dhan 7 Xubnood, kuwaasi oo saddex ka mid ahi Shalay soo gaadheen Dalka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian iyo Saraakiisha sar-sare ee ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha isla-markaana tooska ah uga soo duulay Caasimadda ?Beijing ayaa doonaya inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, iyagoo sida sheegay Qorshahoodu yahay inay ku qanciyaan in Somaliland ka noqoto xidhiidhka iskaashi ee ay la saxeexatay Dawladda Taiwan oo Shiinuhu aaminsan yahay inay ka mid tahay.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in maaddaama oo afartii maalmood ee uu Safiirka Shiinaha ee Muqdisho uu Hargeysa joogay awoodi waayay inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland, saddexda Xubnood ee Shalay yimid loo soo diray inay xoojiyaan.

Weftigan ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa noqonaya Weftigii ugu cuslaa ee Shiinuhu u soo diro Somaliland.

Xigasho; Wargayska Geeska

COMMENTS
LINKS