Golaha Wasiirrada Dalka Kenya Oo La Sheegay Inay Ka Doodayaan Aqoonsi La Siiyo Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wasiirrada Dalka Kenya Oo La Sheegay Inay Ka Doodayaan Aqoonsi La Siiyo Somaliland.
August 5, 2020 - Written by Editor:

Madaxwaynaha Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo La Filayo In Ay Safar Ku Tagaan Dalka Kenya,

Nairobi (W,N)-Warar ka imanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Xukuumadda dalkaasi ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Uhurru Kenyatta ay ku doodayso Aqoonsi la siiyo Jamhuuriyada Somaliland.

Shabakadda Wararka ee Garoowe Online oo soo xiganaysa Masuul sare oo aanay Magaciisa sheegin ayaa ku warrantay in Golaha Xukuumadda ee Kenya uu hor-yaallo Mooshin ku saabsan sidii Somaliland loo siin lahaa Aqoonsi buuxa.

Mooshinkan ayaa waxa Golaha Wasiirrada u soo gudbiyey Wasiirro ka mid  ka mid ah Dawladda Kenya iyo Xubno kale oo muhiim ah.

Fadhigii koowaad ee arrintan lagaga dooday ayaa Waxa guddoominayey Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, sida laga soo xigtay Masuulka aan Magaciisa la shaacin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in arrintan oo socotay illaa bishii July ee dhamaatay ay Golaha Wasiirradu saareen guddi Qodaxda ka gura Mooshinka isla-markaana daraaseeya, xilligana la sugayo Talo-bixinta Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya “Golahayaga Wasiirradu waxay ka wada-hadlayaan suurto-galnimada in aqoonsi la siiyo Somaliland, doodduna way sii soconaysaa.” Ayuu yidhi, Masuulkan sare ee aan Magaciisa la sheegin, waxaanu intaa ku daray in hawshu soconayso ka dib marka ay arkayaan Talo-bixinta khuburrada Wasaaradda Arrimaha dibedda.

Ilo-wareedkani waxa kale oo uu intaa sii raaciyey in Toddobaadyada soo socda oo ay Doodda Arrintani sii jiri doonto ay suurto-gal tahay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay tagaan Magaalada Nairobi, safarkaasi oo la xidhiidha arrintan.

Lama hubo in Madaxweynaha uu muddada uu Nairobi ku sugan yahay la kulmi doono dhiggiisa Dalka Kenya, Uhurru Kenyatta.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay bilihii u Horreeyay ee sannadkan ay Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ka bilowday dedaallo diblumaasiyadeed oo ay Somaliland ku iib-geynayso Qaddiyaddeeda Ictiraaf-raadineed.

 

COMMENTS
LINKS