War Deg Deg Ah; Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargaysa Iyo Ciidamada Dab Damista Oo La Tacaalaya Damintiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargaysa Iyo Ciidamada Dab Damista Oo La Tacaalaya Damintiisa.
August 5, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dab Xoogan ayaa Caawa goordhawayd ka Kacay Suuqa Bacadlaha Magaalada Hargaysa Ee Waaheen Kaasi Oo Wali Gubanaya.

Ciidamada Dab damiska somaliland Ayaa ku hawlan sidii ay ku Xakamayn lahaayeen Dabka oo ka kacay suuqa waheen oo ah suuq aad ucidhiidhi ah.

Sidoo kale gurmadka lagu doonayo in lagu damiyo dabkan ayaa waxaa caqabad ku noqotay suuqan oo aan gabi ahaanba lahayd wax wado ah islamarkaana cidhiidha kaasi oo ay ciidanka dab damiska ku adag tahay meelaha laga soo galayo si loo xakameeyo dabkan .

Wararka hordhaca ee laga helayo Dab ka kacay suuqa waaheen ayaa sheegay in uu ka bilowday hal guri oo goobta kamid ahi islamarkaana aan xaaladiisa xoog uculus oo lafilayo in si deg deg ah loogu guulaysto damintiisa.

Wixii khasaare ee Uu Sobobay dabkan ka kacay suuqa Bacadaha Waaheen iyo  waxa sobobay kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK’

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS