Somaliland: Wasaarad Iyo Komishan Dowli Ah Oo Cidda Ay U Shaqeeyaan Ku Socodsiiyey Qoraalo Is-Burinaya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Wasaarad Iyo Komishan Dowli Ah Oo Cidda Ay U Shaqeeyaan Ku Socodsiiyey Qoraalo Is-Burinaya!
August 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa qoraalo is- burinaya u kala diray xarumaha Caafimaadka iyo goobaha bixiya adeegyada caafimaad ee kala Duwan, waxayna labadaas qoraal ee iska soo horjeedaa ay Muujinayaan dhibaatooyinka ka dhex taagan Wasaaradaha iyo Komishannada ama Hay’adaha dawliga ah ee gaarka ah, shaqooyinkooda iska khuseeyaan dhinacyo kala duwan.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu ku saxeexan yahay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Mahdi Cismaan Cismaan Buuri Sheikh Mahdi Osman Buuri, soona baxay 27 July 2020, waxa uu ku socodsiiyey Dhammaanba xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo Uu ku amray inay muddo bil gudaheed ah Wasaaraddiisa kaga qaataan ogolaansho ay kaga shaqeeyaan gudaha Somaliland, isagoo qoraalkaas ku xusay in cidda fulin wayda awaamiirta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Hasayeeshee, Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Luul Jirde Xuseen Oo qoraal soo saartay 04 August 2020, kuna socodsiisay dhammaanba xarumaha caafimaadka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa ku sheegtay in goobta caafimaad, mihnadlaha caafimaad, dugsiga lagu barto caafimaadka ee ruqsad ka haysta Komishanka Mihnadlayaasha caafimaadka aanay u baahnayn wax ogolaansho dheeraad ah oo ay bixiyaan Hay’addo kale oo dowli ah ama gaar ahna, iyadoo qoraalkani u muuqdo inuu yahay mid Komishanka Mihnadlayaasha caafimaadku ku dabo socdaan qoraalka kale ee ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ee dalbaday in Wasaaradda laga qaado ogolaansho ay ku shaqeeyaan xarumaha caafimaadku.

 

Diyaarintii; Saxafi Maxamed Cumar Cabdi “cirro”

Hargaysa Somaliland

COMMENTS
LINKS