DAAWO;-Madax-dhaqameedka Beesha Ninkii Gacan Ku Dhiiglaha Ahaa Ee Xabsiga Muuqaalka Kasoo Duubay Oo War Kasoo Saartay Cabashadiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madax-dhaqameedka Beesha Ninkii Gacan Ku Dhiiglaha Ahaa Ee Xabsiga Muuqaalka Kasoo Duubay Oo War Kasoo Saartay Cabashadiisa.
August 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madax-dhaqameedka iyo Cuqaasha Beesha Ayuub Sheekh isaxaaq ee uu kasoo jeeday maxbuus gacan ku Dhiigle ah ee dhawaan xabsiga magaalada hargaysa kasoo Duubay muuqaal uu kaga cabanayo beeshiisa oo ka bixin Wayday magta marxuumkii uu ku  dilay magaalada hargaysa  Islamarkaana umada somaliland ka codsaday in ay bixiyaan Magtaasi ayaa ka hadlay dhawaaqa kasoo yeedhay ninkan Gacan ku dhiiglaha.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha ayuub ee uu kasoo jeedo Ninkan gacan ku dhiiglaha ahi oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin Hadalkiisa islamarkaana ay diyaar la yihiin magta in ay bixiyaan Hadii ay ogolaadaan beeshii uu ninka ka dilay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS