“Waxa Aynu U Dhaxaynaa Shakhsiyadda Iyo Sumcadda!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Aynu U Dhaxaynaa Shakhsiyadda Iyo Sumcadda!Prof Cabdi Cali.
August 10, 2020 - Written by Editor:

Character VS reputation!

Dadku way kala wada duwan yihiin; qof baa abuurtiisu tahay in uu muuqashda iyo madaxnimada jecel yahay; mid kale wuxu jecelyahay tumashada iyo raaxaysiga xagga jinsiga, macnaha waxaynu u jeednaa xad-dhaaf bay ku tahay; mid kale wuxu Ilaahy ka dhigay bakhayl damac yaqaan; mid kale wuxu Ilaahy ka dhigay fulay cabsi badan; mid kale waa khiyaamoole (dishonest); intaa waxa ka soo horjeeda qaar kale oo Ilaahy mid ka dhigay geesi ama deeqsi ama mid dhawsoon iyo mid kale oo daacad ah (honest by nature); malaha dadka qaar baan ogayn in daacadnimada loo dhaso, haba jirto cawaamil kale oo saacidaa e!!

Haddaba qofka cabsida badan si mujtamacu u aqbalo waa in uu iska ilaaliyaa in lagu fahmo fulaynimada, maxaa yeealy mujtamaca uu ku dhexnoolyahay wuxu qiimeeyaa geesinimada oo leh qiimo sare (value). kan kale ee bakhaylka damaaciga ahi waa in aan lagu fahmin; sidaas oo kale, kan lagu ibitileeyay tumashada wuxu ku dadaalayaa in aan wixiisu noqon daahir yaa shamis!

Marka qofku uu sidaa aan kor ku soo sheegnay samaynayo waxa la yidhaa wuxu ilaashanayaa ama abuuranayaa sumcad (reputation). Hadda, la soco, kii fulayga ahaa waa fulaygii uun, kii bakhaylka ahaa waa isagii uun, kii tuamashad jeclaa wuu iska wataa hawlihiisii, nin Ilaahay u naxariistay kuma darin; ilayn shakhsiyaddu waa abuuree isma beddelaysee; sidaa darteed qofnimada aan is beddelin waxa la yidhaa Shakhsiyad (character), qofnimada aynu muujino ee dadka tusno na waxa la yidhaa sumcad (reputation).

Haddaba, qofka bani’aadamka ahi kolay meel buu iin ku leeyahay inta badan, halkaasna wuu innaga qarinayaa si uu inoogu dhex-noolaado; maalinta qofku innaga qarsan waayo iintiisa waa laba mid uun: waa ta kowaad e in uu waashay, waa ta labaade in uu helay awood badan ama adduun badan oo uu is moodsiiyay in aanu dadkan dib ugu baahan doonin; waa marka ta Ilaahay aanu ku xisaabtamayn qofku e!!; halkaana waxa aad ka garan kartaa in qofkaas iimaankisu uu aad u hooseeyo, haddii uu Muslim yahay; haddii uu Gaal yahayna waxay yidhaahdaan waxa aad u hooseeya waxa ay afka qalaad ku yidhaahdaan Morals and Ethics; run ahaantii, waa isku mid iimaanka iyo Moralsku, maxaa yeelay wax kale kuma farayo iimaanku, aan ahayn Morals; uma jeedno halkan iimaankii isdilaaxiga ahaa ee caqiidada!!

Marka ay sidaa tahay waxaynu ku dhex wareernaa qofka iyo sumacddiisa; matalan marka hogaamiye la dooranayo waxa la isku waafaqsan yahay in ay muhiim tahay shakhsiyadda qofku, oo ay xataa ka muhiimsan tahay aqootiisa iyo khibraddiisa; haddii lagu guulasyto in taas la ogaado way fududahay in aynu kala doorano dadka madaxnimada innaga raba; hase yeeshee ma sahlana, maxaa yeelay waxa arrintaa inoo diidaya ama innaga carqaladaynay labada arrimood ee hoos ku qoran:

Waa ta kowaade, qofkii oo inoo dhuuman kara, maxaa yeelay wuxu samaystay sumcad oo si aynu u aqbalno wuxu iska ilaalin jiray in la ogaado shakhsiyaddiisa dhabta ah; ta labaad mujtamaca badawda ah waxaba laga yaabaa in qabyaalaadu tashuush ku furto, oo aan laga bogan karin in la ogaado shakhsiyadda dhabta ah ee qofka; ku dar kuwa danta ka leh qofkaas ee raba in uu soo baxo ama la doorto, iyo waliba barnaamijka ololaha oo isagu si badheedh ah ugu samaynaya musharraxooda sumcad aan jiirn ba !!

QALINKII Cabdi cali Jaamac Cabdo; Psychology; Character Vs Reputation.

COMMENTS
LINKS