Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Maraq Digaagga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Maraq Digaagga.
August 11, 2020 - Written by Editor:

Khubarada Caafimaadku waxa ay ka digaan inta badan dhibaatooyinka caafimaad ee ay leeyihiin walxaha farsamaysan Ee cuntooyinka lagu darsadaa waxaanan maanta qormadan caafimaadka ku eegi doonaa dhibaatooyinka caafimaad ee Maraq Digaaga iyo waliba tamaandho qasaaca loo yaqaano gurgurta. Waa mawduuc muhiim u ah qoys walba oo Soomaali ah inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaagu iyo midka qoyskaagu, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa “Maraq Digaaga” lagu daro suugada cunnada lagu cuno. Maraq digaagga aad ayay Soomaalidu u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaanna loogu yeelo, shirkadaha sameeya maraq digaagga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: “Maggi”, “Oxo” “Jumbo”, “Knorr” iyo “CalNort”.

Talow Ma Isweydiisay, Muxuu Maraq Digaaggu Ka Samaysan Yahay? Muxuuse Dhibaato Leeyahay?

Xaqiiqada ugu horraysaa waxay tahay in aan maraq digaagga laga samaynin “Maraq Digaag”, taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin kara waxaana ka mid ah:

-Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaggu uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.

-Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano “Trans Fat” oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha ay xidho.

-“MSG”: Maadadani waa waxa ugu khatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa “slow killing poison” oo macnaheedu yahay “suntii sida aayarka ah wax u dilaysay”, cilmibaadhisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan “MSG” oo maraq digaaga ka buuxda waxaa la ogaaday inay keento cudurka Lafo xanuunka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska “Ulcer”, Beer xanuunka, Illowga/Foojignaan la’aanta iyo xanuuno loo yaqaano “Fibromyalgia” oo Soomalida ku soo badanaya sannadahaan dambe. MSG waxaa laga soo gaabiyay “Monosodium Glutamate”

-Lafo Digaag: Markii shirkadda “Maggi” ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la ridqay ama hilib la ridqay, waxaana la odhan jiray wuxuu galayaa baddalka digaaga ama hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayadan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaadhayaashu ku taliyaan in baddalka maraq digaaggan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku udgoonaysiisan kartid suugadaada sidii awalba ay Soomaalidu taqaanay, kabsar caleenta, toonta, filfisha, xawaashka iyo wixii la mid ah.

Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibna qaboojiyaha gasho haddii aad awooddooo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada, haddii kalena waxaa kaaga filan in aad sidii hooyooyinkeenii hore suuga innoogu udgoonaysiin jireen xawaashyada kale aan ku koobnaano.

Ogow waxaa jira shirkado aan ka fikiraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aanad aqoon u lahayn baadhis ku samee inta aanad isticmaalin.

 

 

COMMENTS
LINKS