Aqoonyahan Mustafe A Habane Oo Shaaciyay Inuu U Tartami Doono Doorashada Aqalka Wakiilada JSL 2020 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Mustafe A Habane Oo Shaaciyay Inuu U Tartami Doono Doorashada Aqalka Wakiilada JSL 2020
August 13, 2020 - Written by Wariye:

Hargeisa(WJN):-waxa isa soo taraya qaybaha bulshada ee hanka siyaasada leh oo maalinba maalinta ka dambaysa baraha bulshada ku soo bandhiga hankooda siyaadeeda.

tiraba inta la ogyahay waxa maalmihii ugu dambeeyay baraha bulshada ka soo muuqanayay aqoonyahano siyaasiyiin,culimo awdiin iyo xubno kale oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gudaha jamuuriyada somaliland kuwaasi oo soo badhigayay damacooda siyaasadeeda.
haseyeeshee waaxa si wayn loogu riyaaqay isla markaana loo soo dhaweeyay in Aqoonyahan Mustafe A. Habane uu shaaciyo hankiisa siyaasi kaasi oo uu sheegay in uu u tartamayo golaha wakiilada jamuuriyada somaliland .


Mustafe A.Habane ayaa waxa uu hore u ahaa bare jamacadeed oo wax ka dhiga jamacadaha dalka waxana mudooyinkii ugu dambeeyay uu caan ku ahaa in soo saaro barnaamijyo kala duwan oo ka hadal musuq-maasuqa waxana barnaamijkaasi lagu magacaabi jiray Dawlad Wanaag ( Good Governace).

 

Hargeisa Somaliland
agent in  wajaalenews
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS