Sheeko Kale “Yuusuf”, “Yuusuf Laguma Yidhaa”!W/Q;Maxamed F, Qoti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheeko Kale “Yuusuf”, “Yuusuf Laguma Yidhaa”!W/Q;Maxamed F, Qoti.
August 15, 2020 - Written by Editor:

Nin Bare ka ahaan jiray dugsi  lagu baran jiray  Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga oo ku yaalay Dalka Jabuut.

Maalin maalmaha ka mid ah oo amintu ay ahayd goor barqo ah, Barahaas oo ku guda jiray hawl-maalmeedkiisii wax-dhigista oo uu ku feegarayo sabuuraddii ay ardeydu wax ku baran jirtay,  waxa u soo galay oo soo garab joogsaday, Nin gaaban oo midabkiisu maariin xigay.

Ka dib, Barihii markii uu dareemay sanqadhii ee uu soo jaleecay, waxa uu arkay Nin gaaban oo garab taagan.

Ninkii gaabnaa baa ku yidhi:- “ Magacaa”, Barihii waxa uu ugu Jawaabay, “ Yuusuf”, waxaanu ku yidhi Ninkii gaabnaa, isagoo farta lulaaya, “ Yuusuf, Yuusuf laguma yidhaa” waxaanu isku malmalay kadinkii uu ka soo galay, waanu iska tagay Ninkii gaabnaa.

Yuusuf waxba muu dhaadin wakhtigaas, laakiinse, saddex-sannadood ka dib, markii uu ku soo laabtay Ninkii gaabnaa ee uu weydiiyey  magaciisa, Yuusuf oo ardeydii wax u dhigaaya, ayuu qaatay dareen xoog leh.

Saddex-sannadood ka dib, ayuu ku soo noqday  oo uu soo hor-joogsaday dugsigii uu Yuusuf wax ka dhigi jiray,  Yuusuf waxa uu arkay ardeydii oo mar-qudhaata wada jaleecday kadinka qolkii ay wax ku baranayeen, isla markiiba, Yuusuf waxa uu u cago-duwaday dhinacii kadinka  ee uu taagnaa Ninkii gaabnaa, ka dib, markii uu arkay Yuusuf waxa ku dhacay dareen naxdin leh, tollow maantana muxuu ku odhan doonaa?

Ninkii gaabnaa ayaa afka luuqada faransiisku ku yidhi isagoo dhankaa bari eegaaya :-  Keen sharcigii aad dalkan ku joogtay? Ka dib, haddana, waxa uu raaciyey ciidankiiyow.

Isla markiiba, waxa soo joogsaday gaadhi ay saarnaayeen ciidanka illaalada xuduudaha iyo isku socodka oo qaaday macalin Yuusuf, waxaanu Ninkii gaabnaa ku yidhi:- “ Annaa kaa daba keenaaya wixii magaalada kaaga daadsanaa.

Gaadhigii la saaray markii uu gaadhay xuduuda u dhaxaysa Jabuutiyada iyo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu soo garab joogsaday Ninkii gaabnaa oo laba shandood walwaalaya iyo shandad yar, waxaanu yidhi:- “ Ninkaa gadhka weyn leh soo jeediya, markii Yuusuf soo jeedsaday waxa uu ku yidhi:- Hoo waatan Alaabtaadiiyey, shandaddaa yarna waxa kuugu jira Lacagtii magaalada kaaga daadsaneyd.

Sidaas buu Yuusuf ku soo galay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Tukaan ka furtay tuulada Gadhyogol oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu tukaankaas u furnaa muddo toban sannadood ah,

Maalin maalmaha ka mid ah oo ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo wada baxday, jawiga cirkuna ay ku shaqlanaayeen daruuro riman iyo kuwo soo hoorayey, oo ay dhacaysay dabayl goos-goos ah oo xanbaarasaneyd neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanay ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaalay tuulada Gadhyogol.

Waxa iridii hore ee ee tukaanka  lag ku furay Sheekh Cumar oo feedho qaawan, waxaanu digaan-digaha ka dhigay dhamaan Agabkii, maacuunkii, iyo raashinkii kale ee yaalay tukaankii, Yuusuf oo dhex hurda, ka dib, Sheekh Cumar inta uu gacan qabtay, ayuu ku yidhi:- “ Cali kaboole inna mari”.

Sheekh Cumar sidii uu gacanta u soo jiidayey, ayuu keenay tuulada Xaraf ee hadda uu ku yaalo Maqaabka lagu siyaarto Sheekh Cumar, halkaas ayaanu fadhiyi jiray Cali kaboole, waxaanu caan ku ahaa Cali kaboole wuu cagaagnaan jiray, labadiisa kaboodna waxa uu ku qaadan jiray labadiisa suxul, sidaas ayuu magaciisii Yuusuf iskugu badalay Cali Kaboole.

Qoraa; Maxamed Faarax Qoti

Xigasho Oday ka sheekee.

COMMENTS
LINKS