“Dad Badan Ayaa Is Waydiiya Sababta Qofku Wuxu Diidanaa, Haddana Isla Isagii U Sameeyo?!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dad Badan Ayaa Is Waydiiya Sababta Qofku Wuxu Diidanaa, Haddana Isla Isagii U Sameeyo?!Prof Cabdi Cali.
August 17, 2020 - Written by Editor:

Su’aasha Jawaabteeda Waa Lagu hayaa kitaabka Psychologiga Mana aha cilmi cusub; sababtu waxa weeye qofka Bani’aadamka ah waxa ku abuuran wax ay culimada Cilmi Nafsigu u bixiyeen Narcissistic element oo macnaheedu yahay In qofku wax kasta oo uu samaynayo ama lagu sameeyo uu Miqyaas uga dhigo naftiisa; dee, markaa in la fahmo hab-dhaqanka caynkaas ah way iska fududahay; markii hore ee uu waxan samaynayay isaga nafci bay u lahayd, cid kalena madarro ayay u lahayd, immika marka lagu sameeyo isla wixii, dee madarro ayay isaga u leedhay, waana sababta uu la qaylinayo!

Haddaba abuurteena wuu ku jiraa cunsurkaa Nasrcisstic ga ahi, laakiin dadka wuu ku kala badan yahay; qaar innaga mid ah wuu ku yar yahay cunsurkani, sidaa darteed waxa laga yaabaa in aanay samayn ba wax dadka madarro ku ah, anfac kasta oo ay naftiisa u leedahay; haddii ay sameeyaana, damiirkooda ayaa karbaashaya, oo caado kama dhigan karaan; kuwo labaad oo innaga mid ahi waa dhexdhexaad oo waxa laga yaabaa in caqligoodu badh qabto oo uu garto qaladka uu ku jiro. laakiin waxa jira kuwa saddexaad oo uu ku badan yahay cunsurkani; kuwaasi marka uu soo galo meesha arrin iyaga u dan ah, madarrana u leh cid kale, caqliga ba waa laga rafciyaa, haddii uu muslin yahayna waxan odhan karnaa iimaanka ba waa laga siibaa, oo sidii qof waalan oo kale oo dardaran ayuu u dhaqmaa!! dhag la qabtana ma leh oo caqligoodu markaas oo kale shaqada wuu joojiyaa!

Nasiib darro, daraasado badan oo la sameeyay dadka madaxda noqda had iyo jeer waxay u badan yihiin nooca saddexaad; maxaa yeelay way adag tahay in qofku halkaa sare gaadho haddii aanu soo burburin mashaacirta dad badan, qaar u dhaw iyo qaar ka fog ba, oo aanu sadbursi badan soo samayn isaga oo aan eegayn dareenka iyo dibindaabyada taasi u geysanayso dadkii uu dariiqa ku soo jiidhay; taas macnaheedu ma ah in aanay madax noqon karin kuwa kale, laakiin iyaga dariiqu uma fududa; maxaa yeelay waa dad wax xeerinaya; laakiin kan kale waligii, waa yaabe, ma dareemo wax danbi ah (guilty), maxaa yeelay miqyaasku waa naftiisa!!

Daraasado badan oo la sameeyay waxa la ogaaday in hogaamiyayaasha noocan ah aanay waligoodba kob caleen leh ka soo durdurin, halka kuwa cunsurkaasi ku yaryahay la ogaaday in ay yihiin hogaamiyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara dunida. Marka hore ee sallaanka la soo korayo ayuun bay ku dhib badan tahay kooxdan, laakiin marka kursiga uu ku fadhiisto way ku badhaadhaan dadka iyo dalkuba; laakiin, kuwa cunsurkaasi ku badan yahay iyaga waxa u fudud in sallaanka ay si sahlan u fuulaan, laakiin marka lagu fadhiisiyo kursiga maba soo rogtaan wax hogaamin la yidhaa; inta badanna taariikhda waxay ku galaan guul darro naftooda iyo waddanka ba ay u soo hooyaan!!

Is waydii hogaamiyaayaasha dunida soo maray immisaa lagu badhaadhay, immisaase lagu hoogay; marka taariikhda aad eegto shaqo iskuma leh waxa aad u badan inta lagu jabay; iska dhaaf qarniga labaatanaad ama 21 aad iyo reer galbeedka hogaamiyayasha soo maray, maxaa yeelay iyaga system baa shaqeeya ee qof ma shaqeyo; laakiin waddamada hoggaanka qofku muhiim ka yahay ee aan lahayn system, ha ahaadaan kuwa immika dunida saddexaad ama kuwii taariikhda soo maray dunida, waxa aad u badan hogaamiyayaasha lagu hoogay. Xalka ay heleen reer galbeedku waxa weeye in aan qofku muhiim ka noqon habka uu ku imanayo meesha iyo habka uu u xukumayo waddanka; sidaas bay iyagu kaga badbaadeen hoogga iyo halaagga madaxdooda, ee ma aha in ay ka fiican yihiin kuweena!

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac Cabdo; Su’aal iyo Jawaab.

COMMENTS
LINKS