Aragtida Dr; Nafiisi Ee Heshiiska! Eray Tabintii:Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aragtida Dr; Nafiisi Ee Heshiiska! Eray Tabintii:Axmed Cali Kaahin.
August 19, 2020 - Written by Editor:

Wuxuu Ku soo koobay Afar Qodob oo Yuhuudu doonayaan dhinacooda kaliya.

Qodobka 1aad: Waxay doonayaan Shidaalka Khaliijka.

Waayo waxay isticmaalaan  lana soo dagaan Shidaal badan oo meelo fog fog laga keeno taasi oo qiime badan ugu kacda takale  amaan ahaan aan la isku lahayn Karin iyo ta kasii daran qiimaha badna ee ay ugu kacdo shixnad kastaa .

Balse ka Shidaalka Khaliijka oo marka koobaad dhaw, haddana jaban  ammaan ahaana dhaama.

Qodobka 2aad

Waxa riixaya fursadaha Suuqa khaliijka kaasi oo  gadasho iyo isticmaal badan sidaa daraadeed hal kaasina Fursad ganacsi bay u arkaan dadka khaliijuna waa isticmaalayaan aan waxba soo saarin.

Qodobka 3aad.

Waxay doonayaa in ay gacan toosa ku yeeshaan xaalada Khaliijka dhulkana joogaan si ka dhaw sidii hore. si ay dagaalo iyo fidno uga dhex abuuraan ummadahan degan khaliijka.

Qodobka 4aad uguna khatarsan.

Waxay doonayaa in ay Falastiiniyiinta lagu dagaameeyo dhulka khaliijka ugu yaraan 3 Milyan ku dhawaad, si Qadiyadii Ku noqoshada dhulkooda daaqada looga Saaro dhabarkana looga toogto. Waraysi kale waxa uu ku sheegay Dr Nafiisi in Codsiyadoodu yihiin kuwa bilaabma oo aan waligood dhamaad lahayn.

Waa aragtida Dr.Cabdala Nafiisi oo aqoon yahan ka faalaooda siyaasada doodna waa laga keeni karaa ama lagu waafiqi karaa. Waana hadal dheer cidii u baahan muuqaalkaasi halkan ha ka raadiso.

Xigasho : Alziadiq8plogplus.2

Eray tabintii : Axmed Cali Kaahin.

COMMENTS
LINKS