Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?W/Q; Maxamed F. Qoti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?W/Q; Maxamed F. Qoti.
August 20, 2020 - Written by Editor:

“Mid ka mid ahaa Kaadiriinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ayaa ku dhawaaqay in aan lagula tartami karayn magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, balse, halka lagu tartamayaa codkeedu uu yahay Degmada Gabilay, wakhtigii lagu jiray tartankii ollolaha doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,” taariikhdu markay ahayd 29- bishii 7-aad ee Sannadkii 2017-kii.”

Umad waliba waxay ku faantaa dhaqankeeda iyo diintooda, inkastoo reer galbeedkayaga lagu xanto Lo’afuufka, haddan, si ay u fahmaan murashaxa ay doorayaan hab-dhaqanka dabeecadeed ee uu leeyahay, ayaan qormadan ugu hogotusaaleeyey luuqadoodii ay wax ku fahmayeen, qormadan oo ahayd qormo aad u xiisa badaneyd, waar Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?

Waana sababihii dhaliyey guushii xisbiga kulmiye in uu kaga codbato degmada Gabilay xisbiga mucaaridka ee WADANI, wakhtigaas Cali Kaboole xageebuu joogay.”

Waagii hore waxa la odhan jiray Lo’jirku wuu ka xadaarisanaa Geel-jiraha iyo Adhi jirka, wakhtigaas waxa arrintaas loo sababayn jiray dhinaca garnaqsiga, garraha iyo wada-xaajoodka, taasoo ay ku dabaqi jireen marka ay cid wax iska soo galaan, ka hor inta aanay u tegin ayey wax iska weydiin jireen, oo ay odhan jireen, waar horta Ninku ma’Boor baa mise waa Dhiin?

Haddaba, labadan calaamadood, waa laba calaamadood oo ay leeyihiin Lo’da “Dab-joogta ah” ee la dhaqdaa, mid waliba waxa ay leedahay dabeecad iyo hab-nololeed u gaar ah, waxaana la odhan jiray, Saca Boorka ah, waa neef geeso gaagaaban, saan quruxsan, dhogor yar, midabkiisuna waa boor, cimri dheer, dherer xoogan, dareen xoogan, taran badan, cag weyn, socod badan, fahmo badan, orod dheer, calool yar, naaso yar, naas jilicsan, caano yar, caano macaan oo nafaqo badan, xigisin dhow, gorof lagad yar, codka “ ololkiisu” waa dhawaaq dhuuban oo aan xabeeb lahayn, baadina ma’noqdo, oogada sare ee korkiisu waa mid adkaysi badan u leh kulka qoraxda, qabowga, barafka, roobka , usha lagu dhufto, waxa kale oo adkaysi badan u leeyahay baadka iyo biyo la’aanta wakhtiyada jiilaalku dheeraado ee ay abaaruhu dhacaan, ,waa mid iska celin kara dhamaan habar dugaag oo dhan.

Halka saca dhiinka ahna lagu tilmaamo, neef geesa dhaadheer oo saan fool-xun leh, dhogor badan, oo midabkiisu casaanka yahay, cag yar, taran yar, socod yar, calool wayn, oo aan ordi karin, dherer gaaban, fahmo gaaban, dareen yar, cimri gaaban, naaso-waaweyn, naaso adag, caano badan oo nafaqo yar, caano qadhaadh, xigsin fog, gorof-lagad badan, baadidiisu badan tahay, codka “ ololkiisuna” waa dhawaaq cod weyn oo xabeeb leh, kor nugul oo aan u adkaysan karin usha lagu dhufto, kulka qorada, qabowga, roobka, barafka, isla-markaana u nugul baadka iyo biyo la’aanta wakhtiyada jiilaalku dheeraado ee ay abaaruhu dhacaan, baqdin badan, dugaagana aan iska celin karin.

Waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafi lahaa dadweynaha inta badan xiiseeya akhriska iyo qoraalada, su’aasha jawaabtan ah, gaar-ahaan Lo’jirka maanta, Waar Muuse ma’Boorbaa mise waa Dhiin?

Qoraa; Maxamed Faarax Qoti

COMMENTS
LINKS