Xuquuqaha Ugu Mudan Ee Muwaadiniinta Waxa Kamid Ah Xuquuqda Siyaasadeed! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuquuqaha Ugu Mudan Ee Muwaadiniinta Waxa Kamid Ah Xuquuqda Siyaasadeed!
August 21, 2020 - Written by Editor:

“Xisbiyadu Iyaga Oo Siyaasadii Dalka Kooto In Loogu Xidho Raba Ayaa Ay Dhexdooduna Kooto Kale Sii Tahay Oo Aan Qofku Hankiisa ka Dhex Xaqiijin Karin”Siyaasi Dhimbiil.

Ilaa Hadda maxaa loo laayahay cid difaacda xuquuqda Siyaasadeed ee muwaadiniinta aan sadexda xisbi qaran ku Qancin oo dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa si cad u qeexeen,  gaar ahaan qodobada 22naad iyo  23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah xeerka ururada iyo axsaabta ?

Shalayto Gudoomiyaha maxkamada sare waxa uu sheegay in ay yihiin daneeyayaasha doorashada sadexda xisbi qaran oo ay xiliga doorashada la qabanayo ka shiri karaan , waa sax ha yeeshee marka ay 9 bilood ka hadheen xiligii Xeer No 14 sheegayey in gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabtu ku dhawaaqayaan in tartanku furan yahay oo ururo la sameysan karo sidee ay kaligood u noqdeen daneeyayaasha doorashada?

Dadka Somaliland kama hadlaan xiliga wax laga sii qaban karayo waxa soo socda,  6 dii sanadood ee ugu dambeeyey ba waxa aanu ku qaylinaynay waar nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka hala saxo oo doorashooyinku xiligooda  ha ku dhacaan,  dhamaan madaxda iyo hogaankeena siyaasada iyo bulshada inta u dhuun daloosha arimaha siyaasadeed ee dalku way ka dharagsan yihiin dhibtan jirta.

Madaxwaynaha hada talada haya waxa xili doorasheedkiisa lagu soo riixay doorashooyinkii dhici lahaa 8 sanadood ee ka horeeyey badankoodii,  waxa uu la kulmay dhib tuulan,  waxa ay u eeg tahay in uu isna Madaxwaynaha ka dambeeya isaga sii riixi doono inta ilaa hadda muuqata marka la eego.

Axsaabta siyaasada Somaliland waxa ay ka mideysan yihiin ku dagaalanka kaalmahooga xisbinimo,  aad uma danaynayaan in ururo lagu furo,  hase yeeshee sharciga dalkuna yaanu noqon mid ay maslaxadooda iyo jacaylkooda ku saleeyaan ee ha u tudhaan mustaqbalka dalka iyo hanaanka dimuqaradiyadeed ee Somaliland qaadatay.

Waxa hubaal ah in dadka inta ugu badani aanay ku qanacsanayn axsaabta siyaasada Somaliland ee maanta joogta,  oo xataa dhexdoodu kootaysan tahay oo inta ku jirtaa aanay si xor ah xuquuqdooda iyo hankooga siyaasadeed ka dhex xaqiijin karin , dadkuna Somaliland na xaq ay u leeyihiin in ururadii siyaasadeed loo furo oo ku dhaceega iyo hal adeygeeda lala yimaado .

Dhibaatooyinka iyo raadadka ay reebayaan waa qaar dhamaan shacabka Somaliland saameyn ku yeelan doona oo ah dhibaatooyin qaranka u yaalla ee aan qofna wax gaar ah yeelayn kaligii,  walow inta maanta talada haysa iyo intii shalay joogtay ay ku sawirnaan doonaan waxii foolxumo iyo qadaf dhacay intaa ay joogeen haddana waxa ka weyn waxa dal ahaan iyo dad ahaan ina gaadhaya.

Hadii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho,  dukaankaaga yar iska hayso, bakhaarkaaga ku koobnow,  hudheelka iska hayso,  ganacsigaaga iyo shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in aan intaa midkoodna kuu shaqeyn doonin hadii xasilooni la’aan siyaasadeed iyo kala shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kala gudboon in aad codkaaga kor ugu dhawaaqdo.

Shacabka jamhuuriyada Somaliland waa dad wanaagsan oo dulqaad badan oo dalkooda,  nabadgalyadooda iyo in uu ka mid noqdo dalalka aduunka ugu horeeya raba,  waxa ay ka soo niyad jabayaan marba marka ka dambaysa doorashooyinkii dalka oo noqday ” Ku badel aan isbadel lahayn ” iyo in kuraasida qaranka qiil loo banaysto oo cidwaliba doonto in ay inta ay doonto ku fadhido.

QALINKII; Muxamed Dhimbiil.

COMMENTS
LINKS