Erey Aan Ka Idhaahdo Xafladdii Bandhigga Maansada Baraarug! W/Q;Cabdinaasir Abraham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Erey Aan Ka Idhaahdo Xafladdii Bandhigga Maansada Baraarug! W/Q;Cabdinaasir Abraham.
August 22, 2020 - Written by Editor:

“Guud Ahaan Maansada Abwaanku Goobta ka tiriyay waan u Riyaaqay, Haddii Laga tagi Waayo Erey baan Saluugay Kaas oo Ahaa;

1;In maansada BARAARUG oo dhalliil dusha uga tuuraysay idil ahaan hal-doorka bulshada taasi oo aqoon-yahanka ku sii talax-tagtay kuna tilmaantay; BUUG BUUG SITA! Arrinta qof ahaan I soo jiidatay waxa weeyaan in maanso-yahanku “Abwaannadu” aanay dhalliisa hal-doorka kale abwaanku u miisay iyagu wax ba ku lahayn. Haddii sida abwaanku hadalka u dhigay wax yihiin, barta keliya ee innoo bed-qabtaa waa abwaannada ee iyagu ha inna caymiyaan.

Bal hadda Gaarriye (AHN) ila eega, wuxuu yidhi:

Ummaddayda tasowdee,

Aniga iga bilow oo

Awaankeedu ka leexday,

Wax aqoonta tabaysa.

Farqiga u dhexeeya labada abwaan waa in Gaarriye dhallisha isagu iska bilaabay, bahdiisii ku xigsiiya kaddibna ummadda kale u gudbay, halka Laabsalax na isagu iska reebay bahdiisiina ka reebay.

Guntii Laabsaalax nin garasho badan baan ku ogaaye gar iyo garowsho mid uun buu ka keeni arrintaa.”

QALINKII;Cabdinaasir Axmed Abraham

 

COMMENTS
LINKS