Waa Maxay Shaqadda Guddida Qaban-Qaabadu?Qalinkii; Kayse Amare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxay Shaqadda Guddida Qaban-Qaabadu?Qalinkii; Kayse Amare.
August 22, 2020 - Written by Editor:

Waxaan Xalay ka daawaday baraha bulsha muuqaal duuban oo La soo dhigay kaasi oo lagu sheegaayo in GUDIDII QABAN-QAABADA SHIRWEYNAHA XISBIGA KULMIYE ay soo saartay SHURUUDAHA ay ku imanayaan hogaanka xisbiga KULMIYE …. Sida Guddoomiyaha Xisbiga….iyo… Guddoomiye Xigeenadda Xisbiga..

Yaab….

– Haddaba muwaadin waxaan isweydiiyey Horta maxay tahay shaqada Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbigu?

– Anigu  waxaan u Aqaanaa shaqada Guddida Qaban-qaabadu ,,,

1)In ay Diyaariso Hudheeladda ay degeyso Ergada ka qayb gelaysa shirka xisbiga ee isaga imanaysa Dalka dibadiisa iyo Gudihiisaba

2)In ay Diyaariso Cuntooyinka ay Cunayaan Ergada ka qayb gelaysa shirka xisbiga

3)In ay Diyaariso Hoolka ama Hoolalka lagu shiraayo, isla markaana ay Cadar iyo Uunsi ku buufiso Hoolka lagu shiraayo

4)In ay Diyaariso Gogosha lagu goglaayo Hoolka Shirka ee Ergadu Fadhiisanayso

5)In ay Diyaariso oo Kuraasida ay ku fadhiisanayaan ergada shirka ka qayb gelaysa, isla markaana ay masaxaan oo nadiifiyaan kuraasta lagu fadhiisanaayo

SHURUUDAHA LAGA RABO CIDA HOGAANKA XISBIGA NOQONAYSA

  • Anigu waxaan u aqaanaa in shuruudahani ku cad yihiin axdigii lagu aas aasay xisbiga KULMIYE (2002) dii (the Charter of Party Foundation) iyo Dastuurkii uu xisbigu samaystay (the Constitution of KULMIYE party)
  • Maxaa loo isticmaali waayey xeerkaas lagu unkay xisbiga iyo Dastuurkii loo sameeyey Xisbiga KULMIYE?
  • Xeerka lagu unkay xisbiga iyo Dastuurka xisbigu miyaanay ka diiwaan gashanayn xafiiska xeer ilaalinta qaranka..( the Attorney General Office)…?
  • Xeerka lagu unkay xisbiga iyo Dastuurka xisbigu miyaanay oolin maxkamadda sare ( The Supreme Court) oo aanay ka diiwaan gashanayn? Si marka la is qabsado ay u soo saarto nuqulkii rasmiga ahaa…

ISWEYDIINTA

 Maxaa keenay in Guddida Qaban –qaabada shirweynaha xisbiga ayaa soo saaraysa shuruudaha ay ku imanayaan Hogaanka xisbigu la yidhaahdo?

 Miyaanay ahayn Dembi Qaran oo laga galay xeerarka iyo dastuurka iyo Hay’adaha Qaranka sida Xeer-ilaalinta (Attorney General Office) iyo Maxkamadda Sare  (The Supreme Court) iyo Nidaamkii Xisbiyadda Qaranka?

SOO JEEDIN:

Waxaan u soojeedin lahaa hogaanka xisbiga KULMIYE

  • Waa wax iska caadiya in hogaanka xisbiga lagu tartamo oo la kala boobo codka ergooyinka, markaas ragna waa helaan ragna waa waayaan…
  • Balse dariiqada Qaladka ahi waxay keentaa bur-bur siyaasadeed oo ku yimaada cida hogaanka haysa.
  • Dariiqadan Guddida Qaban-qaabadu waxay luminaysaa saaxiibo badan iyo dad badan oo xisbiga ka tirsanaa in ay meesha ka baxaan.
  • Waayo Ninkasta oo aad isku xulafo tihiin ama aad saaxiib iyo isku koox tihiin, waxaa iska cad in uu ilaashanaayo Magaciisa, Ka Beeshiisa, Iyo milgaha iyo sharafta Degaankiisa iyo Beeshiisaba..
  • Mohamoud Xaashi Cabdi…. Si kasta oo ay isku hayaan hogaanka xisbiga KULMIYE, wuu geyaa in inta lala tartamo haddana codadka laga shubto….Balse ma geyo in la bahdilo… oo Bahdilaada xataa waxaa ka damqanayaa cida Beeshiisa ah ee Wasiiradda Dawladda Muuse Biixi ku jirta……
  • Madaxweyne Muuse miyaanu eegin, ficilada Ciyaalka ee uu soo rogay, dhinaca kale saamaynta ay kaga yeelanayaan? Iyo bur-burka ay ku keeni karaan Dawladiisa iyo Xisbigaba…

QALINKII; KAYSE AMARE.

 

COMMENTS
LINKS