“Luuqdu Tii Madaxweyne Biixi Ayay Ahayd Laxanka se Laabsaalax Baa Lahaa!”W/Q;Cabdinaasir A, Abraham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Luuqdu Tii Madaxweyne Biixi Ayay Ahayd Laxanka se Laabsaalax Baa Lahaa!”W/Q;Cabdinaasir A, Abraham.
August 22, 2020 - Written by Editor:

Xalay Haddii Aan Maansada wax ka idhi caawana waxa aan lama huraan u Arkay in aan munaasabadda lafteeda wax ka idhaa. Siddeeddan qodob bal ila eeg haddii RABBI kuu samo-ogolaado.

▪Lacag Aan Toban kun ka yarayn ayaan ku male-awaalayaa Wadarta kharashaadka lagu bixiyay munaasibaddii xalay, maansada BARAARUG na waxa ay innagu cannaanaysay wax soo saarka markaa waxaa ila qummanayd in tobanka kun Abwaanku Gallay, tamaandho ama baradho ku beerto taas ayaa Tusaale nool ahaan lahayde.

▪Ku dhawaad labaatan hay’adood oo warbaahina wey joogeen, ishaydu way qabatay 17 mas’uul oo kuwii Somaliland ugu magaca weynaa ka mid yihiin.

▪Cid aan kacaan ahayn meesha hadal laga ma siin.

▪Wasaaraddii warbaahinta oo guuraysa ayaa meesha joogtay.

▪Sidii caadada ahayd ee HOGGAAMIYAHA dalku dhallisha u Qaybin jiray ayuu abwaanku dhalliisha u firdhiyay, oo shacabka, shirkadaha, ganacsatada, beerleyda, aqoon-yahanka iyo siyaasiyiinta ba u  canaantay.

▪Dadkii ehlu sharafka ahaa ee mudanka iyo marwoba iskugu jiray laga ma xishoon.

▪Shirkadaha Ganacsi ee gaarka loo leeyahay ayuu abwaanku Duray.

▪Waxa munaasibaddu kulmisay dadyow kala irdhoobay oo aan Indhawayd fagaareyaasha siyaasadda ku kulmin. Isku soo wada xoori oo miisaanka meesha dadka yimid iyo arrinta meesha lagu hayay cayn-wareeg ayaa ku jiray. Hadda ba Intaas oo arrimood marka aan isku geeyay waxa ii soo baxday in HOGGAAMIYAHA CANAAN KA YAABKA AH ee dalka haystaa mashruuc dhalliisha lagu falkinayo oo lagu firdhinayo uu soo hindisay kuwanna ay jilaayaashii mashruuca yihiin. Taasina waxa ay ahayd geesta kale sawirkii meesha iiga baxay!  Ugu dambayn waxa aan ka tiiraanyoonayaa wakhtigaygii qiimaha badnaa ee aan xalay ku bixiyay meesha aan istaahilka ahayn.

FG: Hebel aad is taqaannaan ama asaxaabtihiinna weligay iga ma weecin sheegista waxa aan dawga u arko.

 

COMMENTS
LINKS