Sida Qof Somali Ah Oo Aragti Ahaan, Siyaasad Ahaan Iyo Aqoon Ahaan Xor ah Lagu Helaa Way Adkaan Doontaa Qarnigan 21Aad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sida Qof Somali Ah Oo Aragti Ahaan, Siyaasad Ahaan Iyo Aqoon Ahaan Xor ah Lagu Helaa Way Adkaan Doontaa Qarnigan 21Aad!
August 30, 2020 - Written by Editor:

“Geeska Africa iyo Somaliduba waxa uu noqday Gobol iyo umado la isku dhex haysto oo aan iyagu is haysan , isla markaana aan dhaadanayn in la isku dhex haysto “

Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah nolosha marka ay ummadi hor mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay ku gaadhaan hiigsigooda kuna xaqiijiyaan himiladooda.

Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka nolosha dhabta ah ee ka turjumaysa waajibaadkii nololeed iyo waxii la inoo abuurey.

Waxa somalidu qarniyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola in qofka la xoreeyaa baa ka horeysa dhulka xoreyntiisa.

Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama afartii kale ee soomaaliyeed e xiligan aynu ku jirno iyo qarnigii ugu dambeeyeyba.

In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood;

Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka, Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa iyo cidkasta oo dano dhaqaale,  qaar gudbin afkaareed,  qaar siyaasadeed iyo qaar fidin maamulba leh.

Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay sida aqoonta , diinta , dhaqaalaha la inagu caawiyo iwm,  oo inaga oo aanu seeska waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga leh qarniyada soo socda , waxaana ay dhexdeena si dhib yar ugu abuuranayaan dadkii ay rabeen.

Waxa kale oo aan doonayaa in aan xuso oo aan qarsooneyn mushkiladaha , colaadaha,  dagaalada,  argagixisada , budhcad badeeda iyo dhibaatooyinka ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanaynu  iska garan ee aynu isku dhamaanay,  inta nabada ahina uu dhex yaallo is faham la’aan  afkaaraha kala gedisan ee lagu raran yahay abuurtay.

Haddaba miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay qarniyada dambe iyo 100ka sano ee socda?

Marka haddaba ay waxani oo dhami jiraan miyaanay inoo eekayn in aynu maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku ababinayno ubadkeena ina badali doona iyo aqoonta horumarka iyo hiigsiga wanaagsan ee aynu rabnaa halka uu ka imanayo.

Muhiimadu waxa weeye In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina anfacaya mooyaane waxii kale aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa deegaanka aynu ku noolahay oo inooga faaiido iyo anfac roon tan aynu maanta barano Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow maadaama halka ay u soo socdaan ee lagu soo wada taamayaa tahay dalka hooyo.

Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood isaga oo aan midna ku tiirsan.

Hadii aad dib taariikhda u yar raacdo xaga siyaasada Somaliland,  Somalia iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa iyo bariga Africa afkaarta siyaasiyiinta iyo hogaanka dalalku waxa ay aaminsan yihiin way kala fog yihiin,  khilaafkuna marba marka ka dambaysa ayuu sii badanayaa oo soo kordhayaa ,

Sababtuna wax kale maaha e waxa aynu noqonay umad masiirkeegii taladeedii iyo go’aanadeedii dawlado kale iyo dalal kale soo gaadhaan oo qoloba halka ay doonto ee aad u nugushahay kuu soo mariso , qaar diinta kuu soo dhex mariya,  qaar mucaawimooyinka iyo waxan loo yaqaan gargaarka aadamiga kuu soo dhex mariya iyo qaar aqoon iyo tacab ay dad gashadeen kuu soo dhex mariyaba , markaa waxa aynu noqonay umad la isku dhex haysto oo aan iyadu is haysan,  isla markaana aan dhaadanayn in la isku dhex haysto.

Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi maalin dirir iwm ah .

QALINKII; Muxamed Cabdi Jaamac

Muxamed Dhimbiil

hormood@hotmail.com

Mob : +252634429221

COMMENTS
LINKS