Faa’Iidada Caafimaad Ee Geedka Tiinku U Leeyahay Maqaarka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faa’Iidada Caafimaad Ee Geedka Tiinku U Leeyahay Maqaarka!
August 31, 2020 - Written by Editor:

Waxaa Hore Loo Ogaa in Dheecaanka geedka dacartu uu Daryeel caafimaad oo heersare ah u leeyahay maqaarka, dhibaatooyin badanna ka daweeyo. Waxa se hadda soo baxay geed kale oo faa’iido taas ka sii badan u leh ka hortagga coodhcoodhka. Waa tiinka oo ah geed ay dacarta isku qoyska yihiin ee qodaxda badan leh.

Saliid laga soo saaro geedka Tiinka ayaa imikaba loo isticmaalaa samayska noocyo kala duwan oo ka mid ah kiriimada iyo saliidaha la isku qurxiyo. Tijaabooyin la sameeyeyna waxa ay daahfureen in dahaadhka sare ee caleenta ballaadhan ee tiinka iyo midhaheedaba ay ku jiraan isku dhisyo hodan ku ah maaddooyin la dagaalama mariidka iyo curiyeyaal dux leh oo jidhka si heerkeedu sarreeyo u daryeela. Faa’idooyinka ay xeeldheereyaashu sida gaarka ah u tilmaameen ee maqaarku uu tiinka ka helo waxa kale oo ka mid ah:

1;Tiinku waxa uu hodan ku yahay asiidho duxeedka aasaasiga ah ee ilaaliya duxda maqaarka iyo heerka qoyaan ee ay lakabyada gudaha hoose ee maqaarku u baahan yihiin. Sidaas awgeed in saliidda tiinka la marsadaa waxa ay si xeeldheer u qoysaa una daryeeshaa maqaarka, gaar ahaan maqaarka engagan.

2;Saliidda Tiinku waxa ay hodan ku tahay faytamiinnada ay ka mid yihiin C, E, K iyo L, sidaas awgeed waxa ay si xooggan u caawisaa awoodda uu maqaarku u leeyahay is cusboonaysiinta. Waxa kale oo saliiddan ku jira maaddo awood u leh in maqaarka ay ka ilaaliso khatarta fallaadhaha qorraxda, isla markaana la dagaalanto sababaha keena coodhcoodhka iyo gabowga.

3.Saliidda Tiinku waxa ay wax weyn ka tartaa wanaajinta caafimaadka maqaarka madaxa, waxa aanay nidaamisaa dheecaannada duxeed ee ay soo saarto. Waxa ay xoojisaa caafiamadka tinta oo sida oo kalana ay dhalaal dabiici ah u samayso.

4.TIMAHA: Saliidda Tiinku kelideed kuma filna in ay maqaarka dux rasmi ah u yeesho, laakiin waxa ay xoojisaa adkaysigiisa, waxa aanu nidaamiyaa walxaha qanjidh duxeedku soo daayo ee loo yaqaanno ‘Sebum’ oo ah dufan timaha dahaadh sare u noqda.

Waxa kale oo ay caawisaa nafaqaynta timaha, muuqaalkooda oo ay qurxiso iyo jajabka oo ay ka bi’iso.

ISTICMAALKA

1;Dhibco saliidda tiinka ama muudkiisa ah ayaa gacanta lagu tifaaqinayaa kaddibna labada calaacaladood ayaa la is xoqayaa cabbaar yar si loo kululeeyo, markaas kaddib ayaa wejiga la marinayaa iyada oo si khafiif ah oo wareegsan wejiga loogu duugayo.

2;Waxa kale oo saliidda Tiinka loo isticmaali karaa in laga sameeyo cajiin gaar ah oo wejiga la marsado, kaddib marka lagu qoosho walxo kale oo dabiici ah. waxaa ka mid ah; in la isku daro malqacad weyn (Malqacadda cuntada lagu cuno) oo saliidda dacarta ah, malqacad weyn oo saliidda tiinka qodaxda leh ah, malqacad weyn oo malqab ah, malqacad yar oo (Malqacadda sonkorta shaaha lagu qaado) muudka liin dhanaanta oo daraya ah.

Intaas oo la isku walaaqay ayaa wejiga iyo qoorta la mariyaa toddobaadkii laba jeer, kaddib marka la nadiifiyo. Waxaa lagu daayaa 20 daqiiqo, kaddibna waxaa la iskaga maydhaa biyo aan kulayl iyo qabow midna ahayn, kaddibna waxaa lagu maydhaa biyo qabow.

3;Kiriimka aad caadi ahaan u isticmaasho wejiga habeenkii ama maalintii waxa aad dusha kaga dari kartaa dhibco saliidda tiinka qodaxda leh ah oo aad ku walaaqayso, kaddib sida caadiga ah ee aad kiriimka u isticmaali jirtay ayaa aad u isticmaalaysaa.

4;Saliidda laga saaro tiinku waa saliid engagan oo maqaarku uu si fudud oo dhaqso ah u nuugi karo, waxa ay maqaarka ka tirtirtaa coodhcoodhka, meelaha ay sida gaarka ah ugu fiicantahayna waxaa ka mid ah indhaha hareerahooda oo ay ka bi’iso coodhcoodhka, kana daweyso baraha madow, sida oo kale waxa ay waxa ka tartaa daweynta fin doobka iyo dildillaacyada ku samaysma maqaarka, iyo raadadka ay nabarrada iyo finanku kaga tagaan maqaarka.

5;Xeeldheereyaasha baadhista ku sameeyey waxtarka saliidda tiinku waxa ay ku talinayaan in toddobaadkii hal mar saliidda tiinka la mariyo timaha, laguna daayo muddo 30 daqiiqo ah, kaddibna shaamboo lagaga maydho.

COMMENTS
LINKS