WAJAALE NEWS

Faallo Kooban Oo Ka Hadlaysa Halka Ay Iskaga Dhaceen Madaxwayne Biixi Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi!Khadar Aar.

“Siyaasiyiintu Waa Dukaamo Oo Is Camiraaya.W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Hadalkii dhawaan kasoo yeedhay Siyaasi Maxamuud Xaashi muu ahayn lama filaan,ee waxa uu ahaa mid la filaayay,sidan uu u hadlay iyo qaabka uu khudbadiisa u dhigayna waxa ay ahayd mid iska caadi ah hortii yidhina uu yidhiba.

Waa gar iyo garawshiiyo isaga iyo qayrkiiba in uu Siyaasad uu dadkiisa iyo dalkiisaba uu wax ugu qabanaayo in uu daneeyo, balse sideedaba siyasada inagu aynu naqanaa waa mid aynu isku aqoonsano.

Maxamud Xaashi xarunta Xisbiga Kulmiye muu tegin,in uu Gudoomiye iwm iskaga diwaan galiyana haltalaabana umuu qaadin ,hadana iyada oo sidaas ah Edeeyn xoogan ayuu madaxwaynaha Dusha uga tuuray,kuyee “” Xisbigii Kulmiye Muusaa xoog ku hayusta””.

Ilahay ayaa ina dilayee Maxamuud Xaashi sababta uu xarunta Kulmiye gar iyo garuushiiyo midiin wuu kala iman lahaaye uu u tegi waayey waxay ahayd “”Maxamuud Musharax Xisbiga Kulmiye Gudahiisaa muu rabin,Waxa uu u tafaxaydnaa in uu Xisbi isagu uu Mulkiile ka yahay in uu Furto””,waana halka sartu ka qudhuntay,Muusana waa uu ku gartay kadibna Labadii Xisbi ee Wadani iyo Ucid oo iyagu laftoodu aan raali ka ahayn furashada Xisbiyada ayaa Madaxwayne Muuse gacansiiyey,si aan albaabada Xisbiyada aan loogu furin.

Hadaba Mudane Maxamuud Xaashi wakhti badan ayuu dhawaan socodaalo ku kala bixiyey wadamada Yurub,taasi waxa ay tibaax u ahayd furashada Xisbiga hungoobay ee uu ku naaloonaayey Siyaasi maxamuud.

Maxamuud hadii Xisbiyada la furi lahaa waxa uu samayn lahaa xisbi layidhaa HOOBAANTA GURO.

Hadaba hada maxaa la gudboon,waynu iska garanaynaa sababta oo ah siyasada Somaliland maaha mid sida shaxda la cayaaro ee waa mid sida Cayaarta Laadhuuda loo dheelo,Maxamuudna waxa u banaan uu kaliya halkii saxibadii ay mareen in uu isaguna cidhiidhsado inkastow Boosasku buuxaan hadana fadhi uma yaalo,ilayn iga durkana waa dane.

Marka ay arimahu halkan oo kale marayaan,hankaagii iyo himiladaadiuba waad ilawaysaa ilayn maba hayside,waa in uu Guntiga dhiisha iskaga dhigtaa ,dhaglaydaan ku shubaywaa dhankastaba ha lagu qado adna Muuse u diid.

Mashaa Allaah Siyasiyiinta Somaliland farawaynaa ,ninna boos looma waayo,sababtu waxa ay tahay way barakaysan yihiin.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

 

France Paris

Exit mobile version