Is Mooganaan Cadawgaaga Ha Ugu Adeegin Muwaadin!Garyaqaan Yuusuf Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is Mooganaan Cadawgaaga Ha Ugu Adeegin Muwaadin!Garyaqaan Yuusuf Biixi.
September 11, 2020 - Written by Editor:

Muwaadin Ciidanka Amnigu waxay Sugayaan Amaankaaga Ee  adigu Cadawgaaga ha wargalin , Hadii Boolisku ay doonayaan in macluumadkan amni la baahiyo iyagaa Tv yada inooga sheegi lahaaye.

Sidaynu ka warqabno tan iyo xalay waxaa sare loo sii qaaday amaanka caasimada iyadoo ciidanka kala duwan ee boolisku ay gaaf-wareegayeen dhamaan xaafadaha iyo suuqyadaba , waxa se ceeb inagu ah shaqada amnigana ka hor imanaysa in Baraha bulshada cawdawgii laga hor tagayey inuu naftaada iyo maalkaaga waxyeeleeyo  aynu si lama filaana inagu u warglino oo aynu baraarujino ama uga digno Baraha bulshada .

Fariimaha kala duwan ee Baraha bulshada waxay keensanaysaa in qofkii ama kooxdii boolisku ay baadigoobayeen  amnigaaga awgii inaanay waxba ku yeelin dhimasho iyo dhawactoona ay ka fakadaan ama ay ka taxadiraan ileen adigaa war galiyeye , sidaas darteed waxaan usoo jeedinayaa dhalinyarta aqoon yahanka iyo guud ahaan bulshadeena kala duwan ee barahan bulshdada isticmaalaa inay ka taxadiraan fariimaha ay gudbinayaan qaarkood oo dhaawaca ku ah amnigeena

Sababtoo ah Hadii la doonayo in la ogaado boolisku iyagaa kamarado iyo idaacadahaba ka hadli lahaa Hadii ay doonayaan in cid lala wadaago macluumaad badan oo aanad adigu ogayn ee muwaadin si fududu ha u galaafan naftaada waxaaba suurtagal ah ka la doonayaa inuu agtaada joogo oo uu khasaare kusoo gaadhsiiyo naf iyo maalba leh ,

Qalinkii; Garyaqaan Yuusuf Biixi,

Mahadsnidin dhamaantiin sxbyaal

 

COMMENTS
LINKS