Wasiir Saajin Oo Beeniyay In kulmiye Maxamuud Xaashi Kusoo Daray, Sheegayna In Uu Rajaynayo Inuu Ku Guulayso Kursiga Hadda Saylici Ku Fadhiyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Saajin Oo Beeniyay In kulmiye Maxamuud Xaashi Kusoo Daray, Sheegayna In Uu Rajaynayo Inuu Ku Guulayso Kursiga Hadda Saylici Ku Fadhiyo!
September 12, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)–Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa Ka hadlay hankiisa musharraxnimo, rejada uu ka qabo tartan uu Ugu jiro Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Wasiir Saajin wuxuu sheegay inuu sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa Musharrax u ordaya kuraasta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, sidaasi darteed uu u rejo ka qabo inuu ku guulaysto xilka Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaa Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiir Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo Shalay u warrmay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horrayn beeniyey hadal uu Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay inaan Wasiir Saajin Kulmiye ka mid ahayn muddo gaadhaysa 5 sanadood, sidaasi darteedna aanu xaq u lahayn inuu u tartamo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye “Anigu Maxamuud Xaashi Xisbiga ima soo galin, markii ay Abu Dubai yimaaddeena waan ku jiray Xisbiga, oo Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ogaa  inaan Xisbiga ku jiray, ololaha oo qudhana Xisbi laguma soo galo ee hore ayaan uga tirsanaa, markii dambana waan ololeeyey, sidaas darteed Maxamuud Xaashi waxaan waxba ka jirin ayuu sheegay ee ha ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlayo.”

Wasiir Saajin wuxuu sheegay haddii aanu Xisbiga ka mid ahayn muddo dheer uu ku hadhi lahaa shuruuddii loo dhigay Musharraxiinta u tartamaya Hoggaanka Xisbiga, laakiin maaddaama oo uu muddo dheer ku jiray uu xaq u yeeshay uu tartamayaasha ka mid noqdo  “Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay Xeerar, shuruuc iyo sharci la raaco, haddii aanan buuxin lahayna Xeerka Xisbiga ayaaba i reebi lahaa, sidaas oo ay tahay waan buuxiyey Shuruudihii la igu xidhay”.

Wasiirka oo Wargeyska Afrika waydiiyey rejada uu ka qabo inuu ku guulaysto Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenku ayaa ku jawaabay “Wax walba gacanta ILLAAHAY ayay ku jiraan, wixii soo socdana ILLAAHAY ayaa og, laakiin rejo aad u fiican baan qabaa, insha allaahna waan guulaysan doonaa”.ayuu yidhi.

 

COMMENTS
LINKS