WAJAALE NEWS

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Oo Agaasime Cusub Umagacaabay Cisbitaalka Magaalada Wajaale.

HARGAYSA(W,N)-Wasiira Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland  Cumar Cali Cabdilaahi Ayaa Agaasime Cusub Umgacaabay Cisbitaalka  Magaalada Tog  Wajaale Ee Gobolka Gabiley,

Wareegto kasoo baxay xafiiska wasiirka caafimaadka Maanta Oo ay taariikhdu Tahay 12/09/2020 ayaa la sheegay in Cisbitaalka Magaalada Wajaale loo magacaabay Dr Mustafe Cabdilaahi Xaaji Cumar laga bilaabo maanta in uu ahaando Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Tog Wajaale oo mudo bilaa Agaasime  Ahaa Taasi Oo keentay in uu dayacmo Cisbitaalku Islamarkaana ay maalmihii udanbaysay qaylo dhaan kasoo Yeedhaysay ay sheegaysay in gabi ahaanba in uu xidhmo Cisbitaalku ay qarka usaaran Tahay,

HALKAN KA AKHI; WAREEGTADA UU WASIIRKA CAAFIMAADKU KU MAGACAABAY AGAASIMAHA CISBITAALKA WAJAALE;

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version