Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Beeniyey Warar Loo Aaneeyey, Digniina Ujeediyey Dadka Caadeystay Faafintooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Beeniyey Warar Loo Aaneeyey, Digniina Ujeediyey Dadka Caadeystay Faafintooda.
September 12, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland S/G Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagalle) ayaa been-abuur ku Tilmaamay Warar lagu Sheegay In ciidanka booliisku gacanta ku Dhigeen rag laga shakiyey iyo hub, isla markaana digniin u Jeediyey dadka caadaystay  faafintooda.

War lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland, oo si weyn baraha bulshada sida Facebook u dhexmarayey maanta , una dhignaa “Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah oo lala beegsanaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo  loo tuhmayo in falkani ay lug ku lahaayeen.” ayuu gebi ahaanba Taliyaha Booliiska S/G Maxamed Adan Saqadhi ku tilmaamay kuwo been ah, mar weriye Maxamuud Walaaleye, oo Wargeysyadda Dawan ah khadka telefoonka wax kaga weydiiyeey jiritaankooda.

Taliye Maxamed ayaa bulshada uga digay  faafinta warar malo-awaal ah oo la xidhiidha Ciidanka, isagoo yidhi,

“Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.”

 

 

COMMENTS
LINKS