Booliska Oo Hawl-gallo Ka Wada Burco Iyo Hargeysa & Tirada Dad La Tuhunsan Yahay Oo Gobolka Togdheer Lagu Xidh-xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Oo Hawl-gallo Ka Wada Burco Iyo Hargeysa & Tirada Dad La Tuhunsan Yahay Oo Gobolka Togdheer Lagu Xidh-xidhay
September 13, 2020 - Written by Editor:

Burco (W,N)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa saddexdii Habeen ee u dambeeyay Hawl-gallo iyo baadhitaano ka waday Gudaha Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa iyo Burco.

Hawl-galladan oo aad loogu baadhayey Gaadiidka kala duwan ee Jidadka Magaalooyinkaasi isticmaalaya ayaan illaa hadda la ogayn waxa sababay iyo Natiijada ka soo baxday midna.

Laakiin, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Cali Maxamed Faarax oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco ayaa in hawl-galladan ka hor ay Ciidammada Boolisku qabteen shan Qof oo looga shakiyey inay qorshaynayeen falal amniga lid ku ah.

Ugu horayn, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Cali Maxamed Faarax oo ugu horrayn sharraxaya hawl-gallada Amniga lagu sugayo ee ka socda Magaalada Burco wuxuu yidhi “Hawl-galladani waxay ahaayeen kuwii amniga lagu sugayey, wax cusub oo innagu soo kordhay oo culus oo aan idiin sheegno ma jiro, laakiin baadhitaanku wuxuu ku salaysanaa hawlaha ammaanka lagu sugayo. Dadweynaha reer Burco aad iyo aad baan ugu Mahad-celinayaa, way noo fududeeyeen hawlaha aanu qaranka u hayno eek u saabsan xagga amniga.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in ka hor hawl-gallada socda la qabtay illaa shan qof “Ma jiraan waxaanu qabanay Xalay iyo Habeen hore, laakiin intii aan Anigu ku maqnaa Hargeysa oo aan safar ku tagay qaar la qabtay way jireen, baadhitaankii baana socda. Illaa shan Qof baa xidhan, baadhitaankii baa socda, Dadkaasi waxay noqon karaan Somaliland ama Dadka Ajaanibka ah, laakiin waa reer Koonfur imika ma odhan karo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Lamaanaan kulmin wax Alaadaha Qarxa ah ama hub kale ah.”

Taliska Guud ee Ciidammada Booliska ayaan dhankiisa ka hadal Hawl-gallada amniga lagu sugayo oo saddexdii Habeen ee u dambeeyay ee ka socday Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, laakiin warar aan rasmi ahayn ayaa sheegay in Caasimadda Hargeysa-na laga qabtay dad toban Qof ka badan, kuwaasi oo looga shakiyey inay falal Aragixiso Maleegayeen.

 

COMMENTS
LINKS