Magacyada Qaar Kamid Ah Siyaasiyiinta Aan Ka Qayb-gelayn Shir weynaha KULMIYE Iyo Xubnaha La Filayo In Gabi Ahaanba Laga Saaro Xisbigaasi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Qaar Kamid Ah Siyaasiyiinta Aan Ka Qayb-gelayn Shir weynaha KULMIYE Iyo Xubnaha La Filayo In Gabi Ahaanba Laga Saaro Xisbigaasi!
September 14, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Iyadoo muddo laba toddoobaad ku siman oo keli ahi ay ka hadhsantahay wakhti loo asteeyey inuu Magaalada Hargeysa ka furmo shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa isa soo taraya siyaasiyiinta ka tirsan Xisbigaas ee saluugsan shirkaas, kuwaas oo sheegay in aanay ka qayb-geli doonnin shirkaas.

Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Hargeya ayaa waxa ka biyo diiday ka qayb-galkiisa Siyaasiyiin xilal kale duwan ka soo qaybtay Xukuumaddii horre ee KULMIYE, isla markaana door weyn kasoo qaatay dhismihii Madaxweyne Biixi, waxaanay shirkaas ku tilmaameen qaarkood inuu yahay mid u afduuban Madaxweyne Biixi iyo koox gaar ah,halka ay qaarkoodna qaadayaan afkiibaa juuqda gabay

Haddaba waxa kamid ah xubnaha qaadacay shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE inay ka qayb-galaan ilaa hadda saddex masuul oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee KULMIYE ,waxaana kamid ah Ex Wasiir Dawle Axmed Cali Baynax iyo Wasiirkii horre Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Qabo iyo ex Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo kamid ah xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa iyagu si toos ah u qaadacay inay ka qayb-galaan Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ,waxaanay siyaabo kale duwan u dhaliileen shirkaas iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Docda Kalene warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in aanay iyana shirkaas afraad ee Xisbiga KULMIYE aaanay ka qayb-geli doonin xubno uu kamid yahay Cali Mareexaan, Ex Wasiir Xaglatoosiye, ex Wasiir Caddaani iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE ,kuwaas oo iyana ka biyo diidsan shirkaas,waxaana la filayaa in aanay ka soo muuqan doonnin shirkaas ,balse ilaa hadda si dhab ah looma oga sababtay ay uga maagayaan ka qayb-galka shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE

Geesta kalane warar hoose oo aannu ka helayno illo wareedyo u dhuun daloola xaaladaha Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay qorshaynayaan inay Xisbiga ka caydhiyaan saddex masuul,kuwaas oo kala ah Siyaasi Maxamuud Xaashi, Siyaasi Qabo iyo Siyaasi Axmed Cali Baynax ,balse ma jiro ilaa hadda wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE, marka laga yimaado xoggahaasi aanu helayno. Maalmaha soo socday ayaa la kala ogaan doonaa raga saaxadda KULMIYE ka baxa.

 

COMMENTS
LINKS