Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Suldaan Cismaan Cali kooshin Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Suldaan Cismaan Cali kooshin Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargaysa.
September 14, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle how naxariistee Suldaan guud Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa, Aaskan loo Sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin waxaa kasoo qeyb-galay bulshada qeybaheeda kala duwan, oo ay ka mi ahaayeen badi Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Haldoor iyo aqoonyahan,  kuwaasi oo dhammaantood ba tacsi u diray Suldaanka guud Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali Kooshin waxaana ay ka marag kaceen dhamaantood inuu ahaa Suldaan Samo-talis ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay madasha tacsida ayaa ka sheekeeyey qiimaha uu lahaa Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali waxaana uu yidhi “Waxaynu joognaa tacsidii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Ilaahay qabriga haw nuuro Ilaahay isaga iyo  wixii muslimiin ah ee ka horeeyeyba Jannatul fardowsa ha geeyo, innagana Ilaahay haynooga daba naxariisto,waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan qaranka Somaliland iyo inta Af-Somaliga ku hadashaba  Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo cid waliba inta badan macagiisa maqashay oo aad iyo aad loo garanaayo oo ka dhashay qoys Maal-qabeen ahaa marka hore marka labaadna Suldaan ahaa oo boqortooyo noqday, marka danbena ahaa aqoonyahan la wada ogyahay oo isagoo aqoonyahan ahaa Suldaanimada lagu caleemo saaray oo dhaxalku u keenay”.

Madaxweynaha Qaranka ayaa sheegay in qofka yaqaanay Suldaan Cismaan uu ku yaqaanay  aqoon iyo dhaqan gobeed “Qofkastoo yaqaanay wuxuu ku yaqaanay aqoon, edeb, dhaqan gobeed iyo isagoo ninka ay isbartaana aanu ka xiiso goyn, maantay ajashiisii dhammaatay, Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu qoyskii uu ka baxay iyo halkiisii uu cawil kheyr qaba uu dhigo, inankiisii baa jooga oo isuguna halkii Suldaanka ka qaaday Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo inala jooga maanta, isagana waxaan ugu ducaynaynaa Idankii inuu ka dhigo raas balaadhan oo barwaaqo ah oo tallo iyo adduunba halkii kasii wada Saldanadii reer Cali Kooshin, dalka iyo dadkaba Alle haynoo barakeeyo”.

 

 

COMMENTS
LINKS