Fikrada Guban: Waa In La Xakameeyo Beenta, Dacaayada BulshoTV Fidinayso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fikrada Guban: Waa In La Xakameeyo Beenta, Dacaayada BulshoTV Fidinayso!
September 14, 2020 - Written by Editor:

Waxaan Doonayaa Inaan idin la wadaago walaac  aan ka qabo Jihada, habka ay u hawl galaan, iyo wararka ay fidiyaan qaar ka Mid ah saxaafada Somaliland. Saxaafada  wararka ay  fidiso waaa inay noqdaan kuwa cadaalad ah, sax ah, oo dheelitirin. Laakiin, saxaafado badan oo Somaliland ka hawlgala badankood way ka gaabiyeen inay ku dhaqmaan saxaafad wanaag “Good Journalism”.  Saxaafadu waxay  noqdeen hayado xayeysiis ama dacaayad “propaganda” loo furtay; una adeegaya  kooxo dano gaar  ah leh: sida ganacsato wax walba xalaalystay, siyaasiin fashilmay, urur diimeed  dibeda laga soo maalgeliyo, caaqil beeleed ku milmay siyaasada, iyo kuwa neceb Somaliland. Saxaafada Somaliland way dhimatay—waxay ay babankood soo qoraan xaqiiqda ka dheer, saxna ma aha,waa runta ku sug..

Saxaafada maanta jirtaa waxa ay is ugu biyo shubteen websiteyo wararkoodu  uu yahay “ Maqal iyo muqaal” ama youtubetv News.La garan maayo qof la waraysanayo magaciisa, cinwaankiisa,  mawduuca, ama  arrimaha laga hadlayo. Ma jiraan saxaafada wax qorta oo wixii dhacay qoraal ku sheegaya. ama falanqeeya arrimaha. Waxaynu haynaa waa koox u badan dhallinyaro oo wax xirfad u lahayn, ama ka saboolsan xirfada saxaafada. Waxay sitaan ‘Mike  iyo camera” oo wax ka soo duuba qofk alla qofkii   kireyste. Ka dibna soo dhiga websiteyada si dad badan oo aan wax akhri Karayn  ay u daawadaan, iyagoo ka fiirsan cawaaqibxumada ka imaan karta marka war aan sugnayn la fidiyo.

BulshoTV kuwaas aan kor ku xusay kama duwana siday u dhaqmayaan maalmahan dambe.BulshoTV  waxaa iska leh oo maalgashaday Al-Harbi Group , oo uu madax ka yahay, Ahmed Farah Abdi.Laakiin, BulshoTV waxa maamula walaalkii, Ali Farah Abdi. Al-Harbi Group waxay ka ganacsdaan Biskut Abu-Walad oo laga keeni jiray Taiz, Yemen, hadana warshad daqiiqda samaysa ayey ka fureen Berbera.

BulshoTV wararka ay soo tebiyaan waa  been iyo dacaayad raqiis ah, oo ay siyaasiyiin fashilmay, ganacsato iyo cuqaal ku sheeg ku doonayaan inay wax ku yeelaan midnimada iyo nabada beelaha degan gobolka Sanaag.Ganacsatada ay mid yihiin Al-Harbi Group  ayaa danahooga gaarka ah ka waayey  sida Biixi ula dagaalamayo musuqmaasuq iyo boobkii baahsanaa ee xilliga maamulkii Silanyo/ Xirsi.

Al-Harbi Group waxay mid tahay shirkadaha   ka ganacsada ee  keena  shidaal wasakh, qaalina ah oo waxyeeley gaadiidka dadweynaha. Waxa kaloo Al-Harbi group lagu eedeeyey in  ay ka ganacsadaan shidaal laga iibiyo  Xuutiyiinta Yemen, iyagoo ka faa’iidaysanya xidhiidhka ganacsi ay la wadaagaan  Yemen.Nasiib wanaag, maamulka Biixi wuxuu dhawaan ku guulaystay inuu Berbera keeno Shirkada ugu weyn addunka ee ka ganacsata shidaalka, Trafigura oo ay xarunteedu tahay Switzerland. Trafigura waxay keentay Berbera  shidaal tayada addunnka la socda.

Talaabadaas uu qaaday Biixi uu ku kala diray qawlaysatadii xuurtada ku haysatay keenida shidaalka, waa arrin u dan ah gaadiidleyda iyo horumarka wadanka. Hase yeeshee Al-Harbi Group iyo kuwa kaleba jab ayey ku noqotay imaatinka dalka ee Trafigura.Al- Harbi Group  iyagoo adeegsnaya BulshoTv waxa bilaabeen  olole  been iyo dacaayad  “propaganda”  ka dhan ah maamulka Biixi.

BulshoTV waxay  dacaayado “propaganda” raqiis u fidiyaan keliye taliyaha Djibouti, Omar Geulleh. Dhawaan waxay u faafiyaan barnaamij ka hadlayey horumar ku sheega Djibouti ay gaadhay. Djibouti oo ah meel dhallinyaradii u dhalatay ay maalin walba ka tahriibiyaan. Isla markaana BulshoTV habeen iyo dharaar ka shaqeenayaa isku dirka maamulka Biixi iyo beelaha diidan in is qab-qabsiga beeleed laga baxo oo la helo nidaam dawladeed oo sharci iyo dastuur ku dhisan.

BuhoTV xaq bay u leedahay inay soo tebiso wararka iyo fikradooda ay ka saxayaan wixii Ka khaldan maamulka Biixi. Laakiin.  Waxa haboon inuu warakoodu noqdo mid dheeli-tiran, caadifad qabyaaladeedna iyo dano ganacsato ama cuqaal ka fog.

Tusaale ahaan dhawaan , weriye Luqman ayaa wax uu telefon ku waraystay  Boqor Buur- Madow isagoo jooga Dubai.Buur- Madow, oo ahaan jiray qawlayste dadka ku afduuba buuraha Sanaag, ayaa afka u furtay Madaxweyne Biixi. Isagoo ku eedeeyey inuu Biixi dagaal kula jiro ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha uu caaqilka u yahay. BulshoTV waxa ay doonayaan waa in qalaalaasi la geliyo nabada iyo xasiloonida gobolka Sanaag.

Bishii May, waxa uu kaloo waraystay Suldaan Siciid Ducaale ( Ceel Afweyn) Ka dib markii maamulka Biixi uu dib u ula wareegay gacan ku haynta Hotel Hargeisa Club. Caaqil Ducaale waxa ku fashilmay inuu fuliyo heshiiskii uu la galay dawlada Somaliland inuu maamula Hargeisa Club. Dawladu xaq buu u leedahay inay ilaaliso ay dhawrtana hantida qaranka.

Anigu waxaa ahay aasaasaha iyo tafatiraha Gubanmedia.com, waxaan aaminsanahay xoriyada saxaafada si dadweynaha ay helaan warar sax ah, oo a dheelitirin. Saxaafada masuuliyad ayaa  ka saaran inay soo  tebiyaan warar la hubiyey oo aan Xanaf lahayn, nabada iyo deganaansha qaranka aan waxyeelayn.

Maxaa loo xidhay websiteka Hadhwanaagnews? Hadhwanaagnews waxa ay been abuur ka sheegtay shakhsi gaar ah “ Slander” .  BulshoTV waxa ay wadaa waa kicin dadweyne:  Waxa ay doonayaan inay iska horyimaadaan dawlada iyo  beel. BulshoTV waxay wadaan been-abuur waxyeelaya nabad iyo xasiloonida wadanka.

Dhawaan maamulka Biixi waxa uu ku  ganaaxay Universal Televison$15,00, ka dib markii ay diiday inay tebiso maalinta Somaliland xoriyada ay qaadatay, June 26, ”Independence Day”.  Todobaad ka dib, Universal TV waxay Mogadishu ka soo tebisay dabaaldegii  maalinta xoriyada ee Somalia, July 1.

Muxuuse maamulka Biixi mulkiilaha BulshTv talaabo uga qaadi waayey?

Waxaan haboon in BulshoT V in ay  ku dhaqanto sharciyada iyo hab dhaqan “code of conduct”  iyo “ethics” saxaafada u yaala.Intii loo dulqaadan karay waa loo dulqaatay BulshoTv; wayna ka gaabisay inay ku dhaqanto saxaafad wanaag  “Good journalism”. Waa in la xakameeyo am laga joojiyo beenta, isku- dirka, iyo qashinka BulshoTV ay ku fidinayso shacabka Somalilaand, oo ay qaarkood u nugul yihiin qabyaalada qaawan.

Ali-Guban Mohamed

Founder and Editor

Gubanmedia.com

aliadm18@gmail.com

 

FIIRO GAAR AH WABSITE WAJAALENEWS KAMA MASUUL AHA ARAGTIDA QOFKA QORAY MAQAALKAN BALSE WAXAY GAAR UTAHAY SHAKHSIGA KU SUGAN BAAHINTIISA;

 

COMMENTS
LINKS