“Madaxweyne Biixi Haddii Saajin Seedigii Noqdey, Oo Laabta U Tumayo Anaguna Reer Gabiley Haddaanu Nahay Saylici Ayaa Inankayagiiya…Najiib Ismaaciil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Biixi Haddii Saajin Seedigii Noqdey, Oo Laabta U Tumayo Anaguna Reer Gabiley Haddaanu Nahay Saylici Ayaa Inankayagiiya…Najiib Ismaaciil.
September 21, 2020 - Written by Editor:

Raqba Waa Ku Rageede Dulmiga Cadaalad Darada, Hadal Xumaanta Bakhaylnimada,Kalsooni darada,Balanfurka, Axdi La,aanta iyo Xinjirifajaaskuba Waa Mid aad gaar u Leedahay oo aanay Cidi kula Wadaagin Madaxdii Somaliland soo Martey oo dhan Marka Gees Kastaba laga joogsado habdhaqankaaga iyo Taariikhdaa Ragii kaa horeeyay lahaayeen, Waxase Lama arag iyo Lama maqal ah inaad Madaxweynayaashii kaa horeeyay oo dhan Mid Walba Ka cabanaysay, oo Recordkaagii Yaalo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xilka kugu Wareejiyay ha ugu Dambeeyee, Haseyeeshee, Maanta oo Illaahay Taladii Somaliland gacanta kuu Galiyay Aad Tahay Ninkii ugu Dulmiga ahaa ee Taariikh ku Yeelan Doona, hadhaw Tusaale loogu Soo Qaato Taariikhdii Madoobayd.

Haddaan hoos ugu Soo Noqdo Nuxurka Qoraalkaygan, illaahay iyo Umadiisuba Wey aragtaa in aad Tacadigii iyo Dulmigii iyo Nabsigii Ka Bilowdey inaad Madaxweyne/Kuxigeenkaagii oo aan Dastuurku Awoodo badan Siinin hadana, aad Ku Garaacayso Wasiir Aad Seediyo Tihiin oo Inaadeertaa Qaba oo ay Isku Gobol iyo Berl Kasoo Wada jeedaan, Waxaanu Ficilkaasi Noqonayaa Kii ugu Xumaa ee Noociisa Bulshada Somaliland oo dhami Ka Xumaato, ha ugu badnaadeen Dadka Gobka ah ee Kasoo Jeeda Gobolka Awdal oo iyagu habeen iyo Maalin Haaraamaya Maamulkaaga iyo Wasiirka aad Seedininada kuwadato, Waxa Cadaalad Darro iyo Dulmi ah inaad Tidhaahdo Afartayada Beesha Isaaq kasoo Jeeda iyo Ninka Harti Laguma Tartamayo Kuraastooda, Laakiin Kaa Ninka Samaroon ee Kuxigeenkayga ah ayaa lagu Tartamayaa oo aan Seedigay uga qaadayaa, Kama Macaashaysid oo Waxaa kaaga Dambeyn Doona Guushaa Harag-Waxarka ah Cabdiraxmaan-Saylici Balanse Waxaanu ku qaadaynaa anigoo ku hadlaya, Afkii Dadweynaha Reet Gabiley ee oodwadaagata ah la ah Saylici iyo Beeshiisa Maxamed-Case ee uu kasoo jeedo inaanu isaga Barbar joogsano oo Kaaga hiilino Waa inankyagii, Marka Xisbiga Kulmiye layidhaahdana, Isagaa Xaq iyo Xuquuq ku leh oo Halgan adag oo dheer usoo Marey, Ninkii jirey Wuxuu yidhi Tolaay Marxuum Cigaal ayaan Noolayn Maanta tani ma dhacdeene Waxaan ku Leeyahay Muusaw Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe ayaan Noolayn Maanta Seedigaa Maad Daba erideen Sayliciye, halkii aad Habeen iyo Maalin ka Warqaadanaysay, Halkii Aad Rajada ku Sugaysay, Madaxtooyadii aad Kulaalaysay iyo Ninkii aad Kursiga ku Fuushay ayuu ahaa Saylici, Gurigiisa ayey aheyd Goobtii iyo Gagidii aad Tallo Walba ku Go,aan Qaadanaysay abaal baanad Laheyne, Wasiir Saajin Markii aad Haad Geed Waayay aheyd Rooti ayuu Sameynayay Manuu kaka Jeclayn knead Madaxweyne iyo Askari Meel haysta Noqoto, Xataa Cabdiraxmaan Aw Cali oo Saaxiibkaa ahaa Maalin Qudha kuma Soo agjoogsan Waxaad Saylici ugu abaalgudayso ayaad Nin Walba Ugu abaalgudey.

Gabagabadii Waan aragnaa Halkaad Gabiley Kala joogtaa iyo Dadkeedii oo Waadigaa Maalin Walba Sun Ku Beeraya Mashruucii Tog-Wajaale oo Waadigaa Maalin Walba Hantidhawr aad kala Maagtey Dalkii oo dhan ugu abaalgudey, oo Waadigaa Gobolnimadii ka Rifaya, illaahay Xagiisa Waxba kuma aha in Kibirkaaga Bariba lagugu Soo qabto oo Dalka Saylici Madaxweyne Ka Noqdo isagaa Dalka iyo Dadkaba Kaaga daacadsane,Waxaan hadalka kusoo Xidhayaa Hadaad Seedigaa ku Garaacayso anaguna Saylicibaan Barbar joognaa oo inankayagii ah oo aanu Aabihii iyo Hooyadiiba Dhalnay Madaxweyne Biixaw Warbaanad Isku hayne.

QALINKII;Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS