Maamulka Shirkada Laydhka Ee Indha Birta Oo Ka Hadlay Shaqaale Ciidamada Boolisku Ka Xidh Xidheen Iyo fariinta Uu Udiray Xukuumada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Shirkada Laydhka Ee Indha Birta Oo Ka Hadlay Shaqaale Ciidamada Boolisku Ka Xidh Xidheen Iyo fariinta Uu Udiray Xukuumada.
September 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maareeyaha Shirkada Laydhka ee National Power “Indho Birta” Maxamed Cabdilaahi Muxumed ayaa  Sheegay in Ciidamada Booliska Somaliland ay Xabsiga u Taxaabeen Qaar ka mida Shaqaalaha Shirkada indho Birta oo Iyagoo Shaqadoodii ku jira Deegaanka Xaraf ee Koofur Galbeed Hargaysa ay Ciidamadu Xidheen islamarkaana ay Mudo Saldhiga ku Jiraan Shaqaalahaasi iyadoo aan Ilaa Hada Maxkamad la Horgayn .

Sidoo kale maareeyaha shirkada laydhka ee indha birta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Somaliland ay Si Gaara U beegsadaan Shaqaalaha Shirkada Indho Birta islamarkaana ay Xidhaan ka dib markay Mudo Haystaan Maxkamad la, aan ay Sii Daayaan waxaanu ku Tilmaamay Talaabo lagu Doonaayo In lagu Fashiliyo Qorshaha iyo Hiigsiga Shirkada indho Birta ay u Qorshaysay Inay adeega laydhkooda ku wada Gaadhsiiyaan Dalka oo dhan gaar ahaan Magaalada Hargaysa,

Dhanka kale maareeyaha shirkada laydhka ee Indha birta ayaa  ku Hajabay in aanay Tacadiyada iyo Xadhiga Shaqaalahoodu aanu Ka joojinaynin Qorshaha Shirkada Indho birta ee Bixinta Laydhka .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS