WAR DEG DEG AH; Dhisme Guri Oo Ku Dumay Magaalada Wajaale Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ilaa Hadal La Xaqiijiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH; Dhisme Guri Oo Ku Dumay Magaalada Wajaale Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ilaa Hadal La Xaqiijiyay.
September 23, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Guri Uu Dhismihiisu Ka ka Socday Magaalo  Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Dumay Goor Dhawayd ayaa Sobobay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhismaha oo ku dumay dad ayaa ciidamada kala duwan iyo shacabka  magaalada wajaale ilaa hada ku hawlan yihiin sidii looga soo daad gurayn lahaa dadkii uu ku dumay geeri iyo nololba

Wararka hor dhaca ah ee aanu ka haley dadka goobka ku sugan iyo wariyayaasha shabakada oo iyagu wali ku hawlan duubista wararka ayaa sheegay in ilaa hada laga soo saaray dhismahan dumay 3sedex Qof Oo dhimasho Iyo 6Qof dhawac ah.

Dadka ku dhintay dhismahan dumay oo ahaa bakhaar ayaa waxaa kamid Alle ha unaxariistee mulkiilihii lahaa guriga dumay. .

Wixii kasoo kordha khasaaraha ka dhashay dhimaha dumay ee magaalada wajaale kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

 

COMMENTS
LINKS