DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Faah Faahin Ka Bixiyay Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay Dhisme Ku Dumay Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Faah Faahin Ka Bixiyay Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay Dhisme Ku Dumay Magaalada Wajaale.
September 23, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ay Weheliyaan Laamaha Kala Duwan Ee Gobolka ,Maamulka Degmada Wajaale, Masuuliyin kale oo ka qayb qaadayay Gurmadka lagu samato bixinayay dadku uu ku dumay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu keenay dhismahan dumay kaasi oo ku dhinteen afar qof oo uu ku jiro mulkiilihii gurigan dumay oo lagu magacaabo alle ha,naxariistee Khadar Dahable.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 10qof oo shan kamid xaaladoodu culus tahay kuwaasi oo loosoo qaaday cisbitaalka gabiley halka qaarna lasoo gaadhsiiyay dhakhtarka wayn ee Magaalada Hargaysa,

Dhanka kale maamula cisbitaalka wajaale ayaa iyagu qayb laxaadle ka qaatay gurmad dad wixii dhaawacmay lagu dabiibayo iyagoo si deg deg ah wixii xaaladoodu cuslayd ugu soo gudbiyay dhakhtarka magaalada gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS