DAAWO;-Sompower Oo Hor-Joogsatay Laydh-gelin Loo Sameeyo Xaafadda Xaraf Ee Magaalada Hargeysa Iyo fariinta Ay Udireen Xukuumada!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Sompower Oo Hor-Joogsatay Laydh-gelin Loo Sameeyo Xaafadda Xaraf Ee Magaalada Hargeysa Iyo fariinta Ay Udireen Xukuumada!!
September 23, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Bulshada Ku Dhaqan Xaafadda Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyey Shirkadda Adeegga korontada bixisa Ee SOMPOWER, Kaddib Markii sida ay sheegeen ay shirkaddu ka carqaladaysay Laydh-gelin cusub oo xaafaddaas la gaadhsiisay.

Dadweynaha ku dhaqan Xaafaddan, ayaa sheegay in shirkadda Korontada bixisa ee Indha-birta ay xaafaddaas markii u horeysay gaadhsiisay Laydh-gelin cusub oo aan hore uga jirin, balse ay shirkadda SOMPOWER ka hor-joogsatay, kaddib markii ay ku gacan-saydheen Shuruudo aanay awoodi karin oo shirkadda Sompower iyadu ku xidhay laydh-gelinta xaafaddaas.

Shacabka  ku dhaqan xaafadda Xaraf oo maanta si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa waxay sheegeen in Guddiga xaafaddu u tageen shirkadda SOMPOWER oo ay ka codsadeen Laydh-gelin, shirkadduna ay codsigooda kaga jawaabtay in ugu horeyn ay iska soo ururiyaan qaddar lacageed oo dhan 50-kun oo Dollar, taasina ay shacab ahaan ka biyo-diideen arrintaas markii dambe u tageen shirkadda dhiggeeda ah ee INDHO-BIRTA oo sida ay sheegeen shuruud la’aan ugu bilowday Laydh-gelinta xaafaddaas.

Sidoo kale Dadwaynaha xaafada xaraf ayaa  waxaay xuseen in tallaabaadaasi ay keentay in gebi ahaanba la xidh-xidho shaqaalihii shirkadda Indho-birta ee Laydh-gelinta lacag la’aanta ah u bilaabay xaafaddaas, taasi ay tahay sharci-darro lagu duudsiyayo Xuquuq ay u leeyihiin inay xaafadaasi ka tirsan magaalada Hargeysa ay markii u horeysay Laydh hesho.

Bulshada ku dhaqan xaafada Xaraf ee duleedka magaalada Hargaysa ayaa waxay xukuumada ka dalbadeen in ka qabato shirkadan sida khaldan u adeegsanaysa Awoodii dawlada laguna xadgudbin Xuquuqda ay uleeyihiin in Helaaan Adeegyada Aas aasiga loona oggolaado fursad ay Koronto ku helaan,

Dhanka kale shacabka kud dhaqan xaafada xaraf ayaa xukuumada madaxwayne biixi oo ah madaxwaynihii ay doorteen in si deg deg ah loo sii daayo shaqaalaha ku hawlanaa Laydh-gelinta cusub eexafadooda kuwaasi oo galabsan wax dabi ah oo ay ku mutaan xadhig iyo cabudhin,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BULSHADA REER XAFAR IYO CABASHADA AY XUKUUMADA UGUDBIYEEN

 

COMMENTS
LINKS