Maamulka Cusbitaalka Magaalada Wajaale Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Dadkii Uu Ku Dumay Dhisme Ka Socday Gudaha Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Cusbitaalka Magaalada Wajaale Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Dadkii Uu Ku Dumay Dhisme Ka Socday Gudaha Wajaale.
September 27, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Agaasimaha  Cisbitaalka Magaalada Wajaale Dr Mustafe Cabdilaahi Xaaji Oo uu Weheliyo iskuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka gabiley ayaa ka warbixiyay dhaawacyada dadkii uu ku dumay guri dhismihiisu ka socday magaalada wajaale oo sobobay dhimasha afar qof iyo dhaawaca 10qof oo kale

Sidoo kale Maamulka Cisbitaalka Ayaa sheegay in shanka kamid ah dadkii dhaawacyada culus Soo Gaadheen loosoo qaaday dhinaca cisbitaalka gabiley iyo hargaysa.

Dhankakale maamulka cisbitaalka ayaa waramay xaalada shan qof oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo cisbitaalka Degmada wajaale ee gobolka gabiley,

Isuduwaha wasaaarada caafimaadka gobolka gabiley Iyo Agaasimaha cisbitaalka wajaale ayaa ka mahad celiyay gurmadii ay kala qayb qaateen wasaarada caafimaadka iyo maamulka wajaale  dhinaca itoobiya oo iyagu qayb laxaadle ka qaatay gurmadii shalay lagu daad guraynayay dadkii uu ku dumay guriga ay dhisayeen,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS