Xukuumadda Somaliland Oo Ka Noqotay Heshiis Ay La Gashay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Shiinaha, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Noqotay Heshiis Ay La Gashay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Shiinaha,
September 27, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka noqotay heshiis ay la gashay Shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha, taasi oo doonaysay inay Geed loo yaqaano Kaastar ka beerto Banka Wajaale.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa Toddobaadkii hore shaacisay in Shirkad Magaceedu yahay Africa Agricultur Development ay heshiis kula gashay inay dhul ka mid ah Banka Wajaale ay ka beerto Geedka loo yaqaano Kaastar (Caster), laakiin Wasaaradda ayaa heshiiskaa ka noqotay Sabtidii Shalay, sida uu lagu shaaciyey Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Axmed Muumin Seed.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in baadhitaan ay Wasaaraddu samaysay ay ku ogaatay in geedka Kaastarku uu dhibaato ku yahay Carrada, Dadka iyo Xoolaha, sidaasi darteed uu laalay heshiiskaasi.

Qoraalka uu Wasiirku ku shaaciyey in Wasaaraddu ka noqotay heshiiskii ay la gashay Shirkadda Africa Agricultur Development ayaa u qornaa sidan “Mudaneyaal iyo Marwooyin waxaan idinla socodsiinaynaa in aan hore u siinay Shirkadda Maalgeshiga ee Magaceeda la yidhaahdo Africa Agricultur Development in loo banneeyo dhul beereed dhan 2000 Acer, dhulkaas oo ku yaalla deegaanka Wajaale ee Gobolka Gabiley, halkaas oo ay doonayeen inay ku beeraan Geed Qalaad oo Magaciisa la yidhaahdo Kaster (Caster). Sidaasi awgeed markaanu samaynay Cilmi baadhis badan isla-markaana aan la tashaday khuburrada beeraha ku xeel-dheer waxaan ogaaday in geedkani uu dhibaato badan u leeyahay Carrada, Dadka iyo Xoolaha, sidaasi awgeed, laga bilaabo Taariikhda Maanta 26.09.2020 waxaan leeyahay heshiiskii aan hore ula galay Shirkadda aan kor ku xusay.”

Ugu dambayn, Maalmihii u dambeeyay waxa geedkan siyaalo kala duwan uga hadlay Shacabka reer Somaliland, kuwaasi oo qaarkood sheegayey in Geedka laga beerayo Banka Wajaale uu khatar ku yahay deegaanka iyo Nolosha Dadka iyo Xoolaha.

 

 

 

COMMENTS
LINKS