Aragtida Ah In Jamhuuriyad Geeska Africa la Yidhaahdo Ay Dhalato Amaba Midnimo Gobolka Ahi Suuragashaa Mustaqbalka Dambe , Waa Wax Dhici Kara! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aragtida Ah In Jamhuuriyad Geeska Africa la Yidhaahdo Ay Dhalato Amaba Midnimo Gobolka Ahi Suuragashaa Mustaqbalka Dambe , Waa Wax Dhici Kara!
September 27, 2020 - Written by Editor:

Dalalka Geeska Africa waxa ku nool qoomiyado kala duwan oo aad u badan oo kala afaf ah , kala diimo ah , laakiin isku dhow dad ahaan marka xaqiiqada loo dhabo galo , ahna dad uu Alle meel kuwada beeray.

Ka fursan mayso in nabadgalyo wanaag iyo wada nolaansho horumar dhala la gaadho mustaqbalka dambe oo wax laga badelo siyaasadaha ku dhisan cadaawada isir nacaybka iyo ixtiraam la’aanta kala aragti dawladaha iyo dadka Gobolka Geeska Africa kuwada nool.

Haddaba hadii la rabo in ay mustaqbalka dambe suuragal noqoto in guud ahaan gobolku hal dal isku noqdo waxaa ku xidhan amaba suuragalin kara in arimaha hoose oo dhan la soo dhameeyo oo la xaliyo mushkiladaha iyo colaadaha Gobolka ka jira , sidoo kale xal rasmiya loo helo sidii Somalia nabadgalyo looga hirgalin lahaa iyo dawlad adag oo ay wax ka go’aan si loo xaliyo qadiyada Somaliland iyo Somalia oo ah hawsha ugu adag ee Gobolka u taalla.

Dadka qaar marka aragtiyaha noocan ahi soo ban baxaan waxa ay ka baqaan in la is muquuninayo amaba xoog la isku qabsanayo oo waxa jira waxogaa werwer ah oo ay reebtay colaadihii isirka ahaa ee ka dhex jiri jiray dadka Gobolka kuwada nool,  sidaasi oo kale waxa werwer laga qabaa dawladaha Gobolka Geeska Africa oo hadda aan aheyn qaar isku dhigma awood ahaan.

Laakiin waxa aynu ka hadlaynaa waa mustaqbalka dambe iyo sida lagu heli karo jamhuuriyad Geeska Africa ka dhalata oo la magacii la doono markaa ha loo bixiyo e , tusaale ahaan Geeska Africa da weyn ( Greater Horn of Africa ) , gobolada midoobay ee Geeska Africa ( United states of Horn of Africa ) , amaba jamhuuriyada Geeska Africa ( Horn of Africa Republic  ).

XAQIIQADA IYO XAALADAHA MAANTA

Siyaasada waxa la yidhaahdo kama maaranto in lagu bineeyo xaqiiqada taagan iyada oo uu yoolku kuu suntan yahay , markaa hadii aan aragtideyda iyo sida aan u arko marxaladaha iyo xaaladaha Gobolka Geeska Africa ku sugan yahay xiligan waxa ay yihiin qaar aan wanaagsanayn marka la eego ;

1;Dalka Ethiopia xaaladihiisa siyaasadeed maaha qaar degan marka laga eego axsaabta mucaaradka iyo muxaafidku sida ay u kala fog yihiin , rabshadihii dhacayey baryahan dambe,  doorashada ka dhacday Gobolka Tigree ga iyo xaalado badan oo kale oo jira .

2;Jamhuuriyada Somaliland oo iyadana aanay doorashooyinkeegii wakiilada iyo goleyaasha deegaanku hirgalin mudo badan, inkasta oo uu khilaafkii siyaasadeed ee axsaabtu soo dhamaaday haddana waxa jira siyaasiyiin iyo dadwayne badan oo ka biyo diidsan 3 sadexda xisbi qaran oo raba in ururadii siyaasada loo furo maadaama ay dhowdahay xiligii ururada la furayey.

3;Djibouti iyada lama hadal hayo doorashooyin iyo dimuqaradiyad cid soo hadal qaadana lama ogola oo xaalkeedu waa mid hoosta ka huursan wax uu ku dambayn doonana aan la garanayn mustaqbalka dhow.

4;Somalia ma jirto nabadgalyo rasmi ahi , walow lagu heshiiyey in doorashooyinkii la qabto oo maamul goboleedadii iyo dawladii federaalku gaadheen heshiis,  axsaabta mucaaridka ahina soo dhaweysay,  haddana lama saadaalin karo doorashadeedu xiliga ay dhici doonto marka aad eegto xaqiiqooyinka ku gedaaman.

5;Dalka Erateria waxa uu go’doon siyaasadeed ku jiray mudo badan oo uu kaga soo baxay adkaysi iyo dhabar adayg,  hada ayuu aad moodaa in ay u bilaabantay furfurnaan siyaasadeed iyada oo ay jiraan culeysyo badan oo dimuqaradi doon ah oo kaga imanaya dadkii dibadaha jiray iyo dawladaha u ololeeya dimuqaradiyada.

Marka aad eegto marxaladaha uu ku sugan yahay Gobolka oo aan ka madhnayn farogalin siyaasado dibadeed iyo waliba argagixisada oo hoy ka dhigatay Somalia , isla markaana culeys weyn ku haysa dawladaha kale ee Gobolka sida , Somaliland,  Djibouti,  iyo Ethiopia oo heegan kaga jira , walow aad moodo in ay hadda sidii hore soo dhaameyso oo Somalia waxogaa deganaansho ahi ka suuragaleen haddana maaha wax la isku halayn karo.

Isku soo wada xoori hadii arimahani loo guntado oo midwaliba halkeeda lagu soo xaliyo waxa hore looga talaabsan karaa xaaladaha lagu jiro xiligani oo ah qaar cakiran oo ad adag,  iyo waliba danaynta dawladaha aduunku Gobolka Geeska Africa ku rabaan in u yimaadaan dhawr sababood oo kala ah ;

1;In ay saldhigyo ciidamo ka sameystaan oo ay ka ilaashadaan danahooga ay ka leeyihiin gobolkani , Gacanka cadmeed iyo marin biyoodka bada cas.

2;In ay maalgashadaan Gobolka Geeska Africa maadaama oo uu yahay Gobol khayraadkiisa dabiiciga ahi dihin yahay oo uu leeyahay Gaasta dabiiciga,  saliidaha caydhiin ee laga Shiilo petrolka,  Naafta iyo iwm ee laga dhaliyo tamaraha ay ku shaqeeyaan wax badan oo dunida kala wadaa , dhuxul dhagaxda,  macdanaha kala duwan iwm.

3;In xulfi siyaasadeed iyo xod-xodasho daneed lala sameeyo dawladaha Gobolka Geeska Africa , waxaana suuragal ah ololaha uu Donald Trump ku jiro ee Bariga dhexe , Afganistan iyo meelo kale in uu saameyn ku yeesho siyaasada Gobolka Geeska Africa si lama filaan ah .

Aragtideyda xaaladaha siyaasadeed iyo marxaladaha Gobolka Geeska Africa hadda iyo mustaqbalka dambe ee soo socda .

QALINKII;Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS