Gubistii Laydhka Ee Gurigayga Iyo Garowshiiyo La’aantii Sompower. Qalinkii;Cabdicasiis Bashiir Nuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gubistii Laydhka Ee Gurigayga Iyo Garowshiiyo La’aantii Sompower. Qalinkii;Cabdicasiis Bashiir Nuur.
September 27, 2020 - Written by Editor:

Habeen Khamiis ah, Oo Taarikhdu Ahayd;

23-kii September 2020-ka 10:30-kii Habeenimo, ayaa Gurigaygaa oo ku yaala Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Sheekh Nuur waxa qabsaday Dab ka dhashay Laydhka Guriga ku jira, gaar ahaan qolka hurdada oo xilligaas xidhnaa.

Dabka ayaa ka dhashay, halka ay iska galaan Guluubka iyo sidoo kale Fadhiga lagu xidho, gaar ahaan xadhiga Dabka sida halkuu uga yimmaado fadhiga lagu xidho guluubka, waxana halkaa ka dhashay Shoodh, isla markaana waxa uu sameeyey Shoodhku di’itaan, kaasoo kusoo dhacay Sariirta dusheeda, isla markaana waxa uu qabsaday Furaashka, waxana daqiiqado gudahood Gurigii isku  xidhay qiiq iyo ur, nasiib wanaag waxa isla markiiba dareentay Marwadayda oo Caruurta TV, kula daawanaysay qolka fadhiga, Shaki Kadib, waxay caruurtii u Saartay dibada, isla markaana waxay u qaylo diratay Xaafadaha jaar, kuwasoo daqiiqado gudahood, usoo gaadhay guriga oo qiiq iyo uuro ku xidhan tahay, nasiib wanaag, waa lagu guulaystay in Dabkii la bakhtiiyo. Iyadoo waxyeelada Dabku qaystay ku koobnayd hal qol, hase-yeeshee qiiq iyo uuradu guriga ka dhigtay, meel midab madow isku bedeshay.

Waxa guriga ku gubtay allaabooyin aan sidaas u buuray, oo ay kamid tahay Hurdadii iyo daahyo qaybo kamid ah Silliiga iyo weliba aallaabooyin uu kamid yahay TV-ga. Alxamdululah waa Khasaare aad u fudud anigu waxaan soo gaadhay iyadoo markaas uun la bakhtiinayo, waxanaan markii la isoo sheegay la Hadlay Taliyaha Saldhiga Sheekh Nuur ama Kiliilka, oo lagu Magacaabo Nimcaan, oo aan ka dalbanaayey inuu Dab-demis igu yeedho, isla markiiba Taliyuhuu waxa uu sameeyey Gurmadkii oo ahaa inuu u yeedho Dab-demiska iyo inuu isaga iyo Ciidamadiisu degdeg gurigayga usoo gaadhan, xiligaas oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo Dabkii.

Ciidamaddu waxay bilaabeen inay Warbixin ka qoran, Iyadoo la waayey wax raad la hubo oo dabka dhaliyey markaas, waxa iyaguna isla markiiba nasoo gaadhay Ciidamada Dab-demiska oo hubiyey in weli wax Dab ahi, guriga haystaan.

Intaa markaa kusoo dhaafo khasaarihii iyo dhacdadii dabka, waxan isla markii la bakhtiiyey iyo weliba markii uu dabku qabsaday Guriga la xidhiidhka qolada Laydhka  Sompower, ee Laydhkoodu Sababay inuu guriga Gubo, waxanan markaa ka dalbanaynay in guriga laga jaro Laydhka, laba sacaadood ayey Nagu qaadatay in Laydhka nalaga jaro.

Subaxnimadii Khamiista ee shalay waxan qaybo kamid ah guriga ugu talo galay in dib aan u sameeyo, waxanan marinaayay Istambarkii iyo Siiligii. Sidoo kale waxan u taagay Xafiiska xaafada Sheekh Nuur ee Shirkada Sompower, oo aan ka codsanayey inay Xadhka Laydhka ee guriga aan iska bedelo, isla markaana la ii diro shaqaale. Waxaan la kulmay Maamulkii Xaafada, waxanan u sheegay in la isoo wada tijaabiyo xadhka Laydhka, isla markaana Laydhka guriga la igu celiyo, waxaan Maamulkii Xafiiska ee Laydhka kala kulmay weedho aan dam-qasho lahayn, iyo hadallo jees-jees ah, kuwasoo ahaa “Lacag iska bixi Nin ayaa ku raacinayaayee”. Waxaan ku celiyey gurigayga waxa gubay Dabkiina, dhibkaasna isagaa na gaadhsiiyey, hadana waxba idinma haystee, kaalayoo Laydhka iga hagaajiya. “Waar orod cid ku hagaajisa Magaalada ka raadsoo hadaad Laydh u baahan tahayna waxba ma jeegaranaynee halugugu celiyo”. Runtii weedhaha Wiilkaas waan dhibsaday waanan iskaga soo baxay, kadib Nin aanu saaxib nahay ayaa igu yidhi, waxaad la hadashaa Call-centerka Shirkada  Sompower, waxanan sameyey sidii, Kadib waxa Telefoonka iga qabtay Nin aad u wanaagsan oo si wanaagsan isoo dhoweyey, isla markaana I sheegay in si dhakhso ah hawshaas la igu qaban doono. La soco qaybaha dambe.

Qalinkii Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur.

Tel: 0634144434

Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
LINKS